Boorama (SLpost)- Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ku dooday in saxaafaddu ka leexisay hadal todobaadkii hore ka soo yeedhay, kaasi oo uu ku sheegay inuu magaalada Boorame ka mamnuucay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Maayarka Boorama oo fasiraadda hadalkiisaas hore ay u muuqatay cadaadis iyo culays kaga timi bulshada, waxa uu weedhihiisa u raacay qaab uu siyaasad ahaan ka soo dheegtay fal-celin xukuumaddu u martay cambaareynta Madasha Wada-tashiga.
Weedhaha Maayarka Boorama ku buriyey hadalkiisii hore, waxa ka mid ahaa, “Golohu ma aha rag meel kale ka yimid, waa dad reer Somaliland ah oo xushmad qiimayn iyo qadarin ku leh bulshada dhexdeeda, waxana aad moodaa in habka ay u mareen wax toosinta lagu kala duwan yahay, waase la isku raacsan yahay in wax la toosiyo,”ayuu yidhi Maayarka Boorame oo ka hadlay fal-celiska ka dhashay dabuubtiisii hore,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Su’aashuna waxay tahay goluhu waa sidee, ma golle sharcigu ogol yahay baa, ma gole is xilqaamay baa iyo arrimo kale, taasi ayaa lagu kala aragti duwan yahay. Dalka way jiraan golayaal sharci ah oo kala duwan, golahana meesha ay wax ka qaldan yihiin ee u baahan in lagu noqdo waa halka MAGACA ay huwan yihiin,” ayuu yidhi Maayarku.
Maayarka Boorama waxa uu dhaliisha hadalkiisaas hore dusha ka saaray warbaahinta madaxa-bannaan oo ku eedeeyey inay fasiraad khalad ah ka bixiyeen weedhihiisa, waxaanu yidhi, “Hadalka aan hore u idhi waxa aad moodaa inay qaloocisay saxaafaddu oo ay sida ay rabaan u leexiyeen, aniguna xaq baan u leeyahay inaan idhaa wax dhibaato ku keeni kara degmada aan maamulo ma ogoli, waxa aan u malaynayaa taasi xaq baan u ku taagnaa, laakiin cid walba oo wax toosin wada arinteedu waa gaar, maamulka laftiisa ayaana loo samaystay inuu wax toosiyo, hadalkana ma aha in dhinaca la doonayo leexiyo ee waa haba khaldanaadee sida uu yahay loo sheego.”
Waxa uu maayarku isbarbardhigay aragtida uu ka aaminsan yahay Madasha Wada-tashiga iyo Hadalkii uu hore ugu sheegay inaanay siyaasiyiinta Madashu iman Karin magaalada uu madaxda ka yahay, waxaanu yidhi, “Sidaasi awgeed, inkasta oo hadalkii hore ee aan idhi la leexiyay fikirka aan ka qabaa waxa uu yahay In wax la toosiyo waa la isku raacsan yahay balse sifaha iyo habka loo toosinayo ayaa lagu kala duwan yahay , marka wax la toosinayana in maamulka iyo nidaamka jira loo sheego oo sifo sax ah loo maraa waa sax, balse hadii cida wax toosinaysaa jidka ay u martay iyo magaca ay qaadatay uu yahay wax sharciga ka leexsan waa hubaal inay dareeno badan dhalinayso runtii.”
Maayarka Boorama oo todobaadkii hore shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa mar su’aal laga weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ah oo socdaal ku tagayey Magaalada Boorama, ayaa kaga dhawaajiyey hadal u dhignaa, “Gebi ahaanba, Ma Iman karaan Boorama”.
Madasha Wada-tashiga iyo Toosinka Qaranka oo ay ku bahoobeen Shakhsiyaad magac-weyn ku leh bulsho-weynta Somaliland, ayaa waxa xubnaha ku jira ka mid ah Mujaahid Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo-madaxdiisa Boorama.
SOMALILANDPOST.NET