Maayarka Hargeysa oo dhagax dhigay dhismeyaal loo binaynayo Barakaceyaasha

Hargaysa (SLpost-Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa CabdiRaxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Shalay dhagax dhigay Dhismayaal loogu tala galay Bara kacayaasha Xaafada Maxamed Mooge Mashruuca Dhismayaashan oo ay Hirgaliyeen Hay’addaha kala ah NRC, IOM, UNHCR,UNOCHA, iyo DRC, ayaa waxaa ka faa’iidaysan Doono In kabadan 900, Oo Qoys kuwaa soo aan Hore u Haysanin wax Hooy ah Oo ay Galaan.

Munaasibadii lagu dhagax dhigaayey Dhismayaashan cusub oo wejiga kowaad uu noqon doono Boqol Dhisme ayaa waxa ka qeyb galay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib u dajinta Maxamed Jibriil Aadan, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gaashaan Saynab Gaas iyo xubna ka tirsan Saraakisha Hay’addaha Dhismayaashan maalgelinaya.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Dhismayaashan cusub ay wax badan u tari doonan danyarta hoy la’aanu haysto, waxaanu sheegay in dadka kale ee hoy la’aantu haysto ay u hayaan dhulka ay dajiyaan, isaga oo aad ugu mahadnaqay Hay’addaha kala duwan ee Mashruucan fuliyey, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan u soo dhaweeyanaya Dhismayaashan cusub ee halkan laga dhisaayo, waxaana aad ugu mahadnaqaya Hay’addaha kala duwan ee Mashruucan fuliyey ee hadda boqolkii guri ee ugu horeeyey halkan ka dhisaya, xaqiiqdiina dadka inta kale ee hadhaynaya waxa aanu u hayna dhulkii aanu dajin lahayn”.

Cabdiraxmaan-Soltelco-300x300

Dhinaca kale Maayarka waxa uu sheegay inay dadka Guriyaha loo dhisayo ay ku dadaali doonan sidii ay u dabooli lahayeen Baahiyahooda aasaasiga ah, waxaanu yidhi “Waxa aanu ku dadaali doona in Dadkan aanu ugu dadaalno sidii ay u heli lahayeen baahiyahooda aasaasiga ah, sida Biyo, MCH-yo, Iskuulo iyo wixii la mid ah, waana laga warhayn doono”. Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib u dajinta Somaliland Maxamed Jibriil Aadan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Hay’addaha Mashruucan fuuliyey waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaya Hay’addaha Mashruucan fuliyey, mashruucan dhismaha ah oo wax tar weyn inoo ah, runtii haddii aynu inteenan halkan wada joogta oo wada ah ehelu kitaab, nasteexo ayeynu halkan u joogna, dadka danyarta ah ee dhulkan loo dhisanyaana faa’iido weyn ayey u tahay, Barakacayaasha Maxamed Moogena faa’iido badan ayey u leedahay, waxaana aad ugu faraxsanahay in Hay’adduhu soo eegaan Qaxoontiga Maxamed Mooge”.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gaashaan Women Developement Org, Marwa Saynab Gaas ayaa iyana soo dhawaysay Dhismayaasha ay Hay’adaha Qaramada Midoobay u dhisayaan Marwo Saynab oo kamid ahayd Ashqaastii ugu horaysay ee dhaq dhaqaaqa wax loogu qabanaayo Bara kacayaasha Xaafada Maxamed Mooge Bilaabay Oo uu Qayb mug leh ka qaatay Ururka Gaashaan Isla markaana Usoo jeediyay Hayadahu Inay Dadkaa Masaakiinta ah Ee Bilaa Hoyga ah inay Wax u Qabtaan ayaa Ugu baaqday shacabka Waxii fikir haya inaanay la gabanin Fikirkooda oo ay Soo gudbiyan Saynab Gaas Waxaa ay sidoo Kale sheegtay inaan laga seexanin labada Kaam e kale Hadhay Sidoo kalena Fikir kale Lala yimaado Marka Xataa Wax loo dhiso Barakaca yaasha waxii kale Ee Ka dhimanaada Si loogu Qabto Marwo saynab Gaas waxaa ay Sidoo Kale Soo dhawaysay Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa iyo Dhamaan Haayadaha ka qayb qaatay Dhismaha Mashruuca Barakacayaasha loogu Samaynaayo Hoyga.

Dhanka kale qaar ka mid ah Saraakiisha Hay’addaha Mashruucan Dhismahan fulinaya oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sida ugu wanaagsan u fulinayaan dhismahan, iyaga oo xusay in boqolka guriga ee ugu horeeya xadhiga laga jaraayo Isniinta soo socota haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo. Dhinaca kale Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa bilowday ololaha lagu qurxinayo bilicda magaaladda Hargeysa, waxaanay meheradihii u horeeyey dhigeen marmarkii lagu qurxinayey magaaladda iyo wadooyinka hareerahoodda. Maayarka Hargeysa Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa xalay soo kormeeray siday shaqadu uga socoto suuqa dhexe ee magaaladda oo ay ka wadaan bilic u samayn, isla markaana meheradaha hortooda ay dhigayaan marmar si wadada laamida ah iyo meheraha iskugu xidhmi lahaayeen, taasina usoo jiido bilicda magaaladda. Maayarka ayaa sheegay inay maalgalinayaan samaynta marmarka, isla markaana shaqalahooda qaybka qaadanayaan inay qaab isku mid ah u sameeyaan dhigidda marmarka, kaas oo ah mid isku nooc ah si aanay u kala duwanaan marmarada la dhigayo iyo qaabka loo dhigayo.

Marmarkan la dhigayo meheradaha hortooda ayaa laga bilaabay badhtamaha magaaladda Hargeysa, gaar ahaan ka soo horjeedka Khayradda waxaana ilaa labaataneeyo meheradood la dhigay marmar isku nooc oo si siman oo ku sarg’an laamidda loo dhigay.

Maayarka magaaladda Hargeysa Md;Cabdiraxmaan Soltelco ayaa sharaxaad ka bixiyey siday hawshu u socoto iyo qorshaha ugu tallogaleen dhigidda Marmarka, waxaana hadalkiisa ka mid ah “maalmahan waxaanu ku jirnay qaabkii ay u hirgali lahayd qurxinta magaaladda, maadaama caasimadii qaranka ay tahay, isla markaana hormood u tahay magaalooyinka, sidaa awged waxaanu bilownay qurxintii magaaladda, waxaana meheradaha suuqa dhigayna marmar isku nooc, anagana maalgalinayna oo sii samaynayo ka dib marka la dhamaystiro ayey meheraduhu bixin doonaan lacagtii ku baxday, laakiin imika shaqalayaga iyo gaadiidkayaga ayaa ka shaqaynaya, waxaana mashruucani noqon doono mid socda oo wada gaadha magaaladda oo dhan ”.

Maayarka ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin qurxinta iyo sidii magaaladu ula mid noqon lahayd caasimadaha aduunka, waxaanu shacabka reer Hargeysa ugu baaqay inay cashuurta bixiyaan si ay ugu dhiiradaan waxqabad la taaban karo.

Sidoo kale, waxa uu baaq u diray shirkadaha qashinka guro iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee xadhkahoogu sida qaabka daran uga lushaan magaaladda dhexdeedda, waxaanu shirkadaha qashinka gurana ku booriyey inay kala qaybqaataan bilicda iyo nadaafad magaalada,maadaama oo qashin guridda qandaraas ku qaateen, isla markaana shirkasta degmadii ka shaqayso aan lagu arag wax xashiish ah, sidoo kale, shirkadaha isgaadhsiintana waxa uu usoo jeediyey inay xadhkaha foolxumada u keenaya magaaladda dhulka hoos mariyaan, isagoo xusay in cidii ka dhego adayga ganaax la saari doonno. Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa oo dhalinyaro u badan, ayaa u muuqda kuwo fulinaya balanqaadkii ay hore ugu balanqadeen dadweynihii soo doortay, waxaana maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayeen wadooyin cusub oo ay hirgaliyeen, sidoo kale waxay soo iibsadeen gaadiid waaweyn oo u fududeeya samaynta wadooyinka, maadaama wakhtigii hore gaadiidka soo kiraysan jireen, isla markaana kharash badani kaga bixi jirtay kireynta iska rogooyinka.”

Somalilandpost.net

Hargaysa