Maayarka Hargeysa Iyo Dhiggiisa Stockholm Oo Kulan Kaga Wada Hadlay Sidii Somaliland Ictiraaf U Heli Lahayd

Stockholm, (SLP)- Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  (Soltelco), iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Sweden ayaa  maanta  kulan la  yeeshay maayarka  caasimadda dalka Sweden ee  Stockholm iyo masuuliyiin oo ka tirsan dawladda hoose magaaladaas.mayarka-hargeysa-300x165

Kulan-hawleedkaasi oo ku saabsanaa sidii dawladda Somaliland beesha caalamka uga   heli lahayd Ictiraaf iyo mashaariic  horumarineed gaar ahaana   casriyaynta caasimada Hargeysa, iyadoo kulankaasi si weyn loogu faaqiday  caqabadaha Somaliland ka hor taagan in ay hesho aqoonsi caalami ah iyo arrimo kale.

Maayerka magaalada Hargeysa, oo ka warbixiyay  kulanka uu la yeeshay maayarka Stockholm iyo u jeedadda socdaalkiisa  ayaa sheegay in socdaalkiisa  dalka Sweden  uu  ka dambeeyay  casuumad rasmi ah  oo ay ka heleen maayarka  magaaladda  Stockholm ee  caasimadda  dalka Sweden.

Waxaanu  tilmaamay  in  dalka Sweden uu diyaar u yahay in uu kala  shaqayn  doono ka midho-dhalinta ictraaf ay  Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa dhinaca kale  waxa uu sheegay   in  dawladda hoose ee magaaladda Stockholm  ay caasimadda Hargaysa ka taageerayaan fulinta   mashaariic horumarineed oo ku aadan casriyaynta caasimada Hargeysa.

Maayar  Hargaysa  oo  ka hadlayay  safarka shaqo ee isaga iyo weftiga uu hogaaminayaa ay ku joogaan Sweden, waxa uu yidhi

“Safarkani wuxuu ku saabsanaa casuumad rasmiya oo aanu   ka helnay dawlada hoose ee Stockholm, oo daba socda anaga oo hore ugu casuunay dawlada hoose ee Stockholm oo uu ka socday xoghayaha fulinta   iyo muwaadiniin reer Somaliland oo Hargeysa hore ugu casuunay tii cagteedii labaad ayay halkan (Stockholm) nagu casuumeed inaanu nimaadno”.

Dhinaca kale maayarka  caasimadda Hargaysa, waxa uu sheegay in dhawaan la filayo in in mid ka mid ah magaalooyinka dalka Sweden goleyaashooda deegaanku ay ku dhawaaqi doonaan in ay aqoonsadaan Somaliland.

“Iyadoo laga wada hadli doono sidii ay labada magaalo u wada shaqeyn lahaayeen, iyadoo marka laga tago iskaashiga labada  magaalo shirkan maanta  ayaa daarnaa sidii loogu ololayn lahaa qadiyadaSomaliland, iydoo magaalo ka mida magaalooyinka dalkan Sweden 23 bishan April ku dhawaaqi doonto  aqoonsiga  Somaliland sida ay nagu wargeliyeen” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.

Somalilandpost.net