Maayarka Gabiley oo ka hadlay Go’aanka Wasiirka Arrimaha guduhu ku fasaxay Fadhiyada Xilalka lagaga Qaadi Karo Maayarrada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Duqa magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Mooshin la sheegay inay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmadaasi xilka kaga qaadayaan isaga iyo ku-xigeenkiisa, tan iyo markii Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland u fasaxday Golayaasha Deegaanka dalku inay yeelan karaan fadhiyo aan caadi ahayn oo ay ku ridi karaan Maayerradooda toddobaadkii hore.

Maayarka Gabiley oo ka hadlay Go’aanka Wasiirka Arrimaha guduhu ku fasaxay Fadhiyada Xilalka lagaga Qaadi Karo Maayarrada DalkaWaxaanu Maayerka degmada Gabiley ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmadaasi ku dooday inay Sharci tahay in Mooshin ay abaabuli karaan Xildhibaannada Golaha Deegaanku isla markaana xilka kaga qaadi karaan Maamulkooda, Masuuliyiin cusub-na dooran karaan, isla markaana aanu wixii sifo sharci ah loo maro waxba ka qabin. Waxaanu Maayerka Gabiley sidaa ku sheegay mar ay maanta Weriyeyaashu su’aalo ka weydiiyeen arrimahaas iyo kuwo kale, ka dib markii uu ka soo baxay kulan uu la yeeshay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo Xaruntooda Hargeysa ugu yeedhay.

“Maanta waxaan hor-imi oo ii yeedhay Guddiga ilaalinta ama daryeelka Hantida Qaranka u qaabbilsan Golaha Wakiillada Somaliland, xog-waraysi ballaadhan baannu yeelannay, runtii waan ku faraxsanahay inaan hor-tago oo aannu wax is-weydiinno, wax badan ka wadahadalno, is-afgarad-na ku soo gebo-gaboobo. Inay wax badan naga caawin doonaanna ay noo ballan-qaadeen Gole ahaan.” Sidaa ayuu yidih Duqa Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.

HALKAN KA DAAWO