Maayarka Gabiley Oo Isagoon Sanad Gaadhin,Kaligii Sacabka Isku Tumaya Iyo Gudidii Joogtada Oo Seexatay – WARBIXIN: Weriye; CabdiKariim (Qaamuus)

Maayarka Magaalada Gabiley Mudane : Shucayb Maxamed Muuse  ayaa  iyadoon mudada uu joogay wali sanadba gaadhin waxuu bilaabay inuu kaligii sacabka isku tumo isla markaana soo dalbaday fanaaniin u tunta heeso lagu amaanayo maayarka. arintan ayaa waxaa si weyn uga biyo diiday xildhibaano badan oo ka tirsan golaha deegaanka gabiley hasayeeshee aan cidi dheg jalaq u siin,maxaa yeelay  gudidii joogtada  oo ahayd gudoomiyayaasha afarta gudi ee uu ka koobanyahay golaha deegaanka gabiley ayaa u muuqda qaar hawlgab ah  taasina waxay keentay inuu curyaamo xeer-hoosaadkii goluhu isla markaaana aanay jirin wax maayarka soo dabaalaya waana mida sababtay inuu maayarkii ugu horeeyay lixdii bilood ee ugu horeeyay durba  darjiidho.

gabileyDhanka kale mar aan wax ka waydiiyay waxqabadkooda mudadii ay joogeen  mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka gabiley oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo ayaa waxuu yidhi “ walaaahi waa ayaandaro in manta golahayagii deegaanka ee umadu ku adhax jabtay ee aduunkeedii iyo arinkeediiba iskugu gaysay in halkii laga sugayay inay waxqabtaan heeso iyo durbaano garaacdaan, maayarkana  umaba haysto inaan anagu doorana balse waxuu u haystaa inay doorteen wasiir samaale iyo cabdilaahi black oo hargaysaba kama yimaado gudidii joogtada ahaydna waxay noqotay hawlgab  waxa miisaaniyada golaha noogu jirtay cagaf shaywel ah waad aragtaanoo waxa la keenay cagaftaa yar  liftarta la moodo ,imikana waxaanu isla garanay in la celiyo,Markaa  dhaliilo badan ayaa jira ilaa haatana ma jiraan wax aanu qabanay haseyeeshee talo ayaa la iskugu noqon fadhiga goluhu iskugu yimaado ugu horeyna waxaanu wax ka qaban doonaa gudidan joogtada ah ee maayarkii u sii laandaysay ”

Dhanka kale waxaa soo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya maayar Shucayb Maxamed Muuse iyo xoghayaha fulinta dawlada hoosee gabiley Mudana Cabdiraxmaan  Nuur Abokor wallow ayna jirin war rasmiya oo aanu ka helnay labada masuul hadana sida ay sheegayaan wararka la isla dhexmarayaa khilaafka ayaa waxuu ka curtay   foojaro ay ku qoran yihiin hanti aad u badan oo maayarku soo dalacay hasayeeshee xoghayuhu hakiyay maadaama uu yahay masuulka dawlada dhexe u qaabilsan dagmada hadhowna lagala xisaabtamayo.

Maayarka magaalada gabiley Mudane Shucayb Maxamed Cismaan ayaa u muuqda mid isku halaynaya awood meel kale uu ka haysto oo aan hoodh ku qoysan xildhibaanada golaha deegaanka iyo xoghayaha iyo shacabka gabiley toona oo iyadoo qaylodhaan laga soo sheegayo meelo kamid ah deegaanka hoos yimaada degmada gabiley ku cudurdaartay inuu balan hargaysa ku leeyahay.

 Sikastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaa bal talaabada ay qaadi doonaan golaha deegaanka gabiley fadhigooda ugu horeeya iyo halkay ku dambayso waxqabadka maayarka Shucayb ee ah cagaf la isku sawiro iyo olole xashiish oo hantidii umada lagu lumiyo .

WARBIXIN: Weriye; Cabdi Kariim Muxumed Cadde(Qaamuus) GABILEY