Maayarka degmadda Boon iyo Xoghayaha fulinta D/H iyo Saraakil kale oo ka badbaaday daad qaaday iyaga iyo Baabuurkoodii


Saylac (SLpost)-Maayarka degmadda Boon Mr Maxamed Diiriye Dhambiil ee gobolkaasi Selel oo ay weheliyaan Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose iyo saraakil kale ay ka badbaaday daad qaaday iyaga iyo gaadhigii ay wateen-baa, kuwaasi oo muddo ka badan 24 sacaadood ku jiray doox tuuladda Ceel-gaal ee degmadda Selel.

Maayarka degmadda boon oo khadka telefoonka ugu waramay wakaaladda wararka ee SNL  isaga oo ku sugan magaaladda Saylac  ee xarunta Selel in isaga iyo saraakiisha ku wehelaya safarkiisa ay ka baxeen degmadda Boon iyaga oo u sii jeeday magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Selel, Balse markii ay marayeen dooxa lagu magacaabo Ceel-gaal in baabuurkii ay wateen ka galay dooxa, kadibna markii in mudo ah ay qodayeen uu ku soo rogmadday daad weyn oo ka dhashay roob ka da’ay degaanka Xariirad iyo Boon. Daadkaasina uu qaaday isaga iyo baabuurkii sidayba, nasiib wanaag waxay sheegeen inay ka badbaadeen oo gaadhigii furfuray oo qolqoofkiisiina aasay.Waxaanu maayarku u mahadceliya duqa magaaladda Saylac oo sheegay inuu ifidiyey gurmad xoogan, waxaanu intaas raaciyey inuu gaadha uu daadku qaaday ay lahayd degmadda Boon.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND

.