Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Oo Markii Ugu Horeysay Tabobar Aqooneed Ugu Baxaya Sweden

deegaankaHargeysa, (SLP)- Kal-fadhigii sagaalaad ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa saaka ka furmay hoolks shirarka ee dawladda hoose.

Kal-fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxa uu kaga hadlay furitaankiisii qodobo dhawr ah oo ay ku faaqidi doonaan kal-fadhiga, kuwaasoo ku jira ajandaha.

Guddoomiyaha ayaa sheeagay  inay u suurto-gashay inay helaan in shan Xildhibaan oo ka tirsan golahaas ay u diraan aqoon korodhsi ay ugu bixi doonaan dalka Sweden oo iskaashi shaqo ka dhaxeeyo dawladda Hoose ee caasimadda.

Guddoomiyuhu waxa  kale oo uu daboolka ka qaaday qorshe gacan ka gaysanaya in golaha deegaanku ay  wax-qabad la taaban karo hirgeliyaan, waxaanu Xildhibaanadda u soo bandhigay in maalinta arbacada oo qudha loo qoon-deeyay inay Golaha deegaanku yimaadaan xafiisyadda  Guddiga fulinta dawladda Hoose, si shanta maalmood ee kale madaxda dawladda Hoose ugu adeegto dadweynaha ku dhaqan caasimadda ee danaha shaqo kaga xidhmaan xafiisyadda  Maayarka, Maayar Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose. “Waxa maanta inoo furmay kal-fadhigii 9-aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda, waxaana kaga hadli doonaan wixii inoo qabsoomay afartii bilood ee u dambeeyey, oo ay ka mid yihiin wadooyinka oo maanta qaarkood xadhiga ka soo jari doono,  wadooyinka kale ee ka socda degmooyinka, waxa kale oo caasimadda keenay Laydhadhkii kala hagayey magaaladda, caagagii qashinka lagu ridayey, Geerashka loo samaynayo Dawladda hoose oo halkii markii hore u qorshaynaysa laga bedeli doonno oo meel kale ka dhigi doonno,”ayuu yidhi Mr.Cabdiraxmaan Soltelco.

Maayarka Caasimaddu waxa uu tilmaamay in shan Xildhibaan ay socdaal la xidhiidha aqoon korodhsi ay ugu bixi doonaan dalka Sweden, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo jirta xidhiidh iskaashi oo ina dhex maray caasimadda Sweden ee Stokholm oo ina casuumay, waxa kale oo halkaasi tobabar ku soo qaadan doonno shan xildhibaan oo golaha deegaanka ka tirsan kuwaas oo noqonay xildhibaanadii ugu horeeyey ee waxbarasho dibadeed u baxa, waxaana xildhibaanadaasi ku kala saarnay si bakhtiya nasiib ah. waxaana rajaynayaa in aad intii kale u soo duceyn doontaan oo iyadoo xildhibaanno kale aanu rajaynay inuu dalal kale Tobabar ku soo qaadan doonaan.”

“Waxa kale oo aan idinla socodsiinayna in guddi hoosaadyaddii golaha deegaanka la kala bedeli doono si xildhibaan waliba usoo maro guddiyo kal duwan, marka kala bedelkaasi waxa inaad raali ka noqodaan oo booska nasiibkaagu ku geeyo raali ku noqotaa waayo bari ayaad guddi kale ka mid noqon doontaa, isku bedelkuna waa sunne dawladeed oo waa muhiim si dardar u noqota guddi hoosaadyadu waa marka muddo la joogaba  la isku bedelaa, marka waxaan rajaynaa inaad arrintaasna aqbali doonaan.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi aragtidoodda iyo doodoodda ka dhiibtay xildhibaanadda kuwaas oo ajandaha ku soo daray qoddobo muhiim ah in laga hadlo, kuwaas oo qaar soo bandhigeen Taawaradda shirkadaha isgaadhsiinta oo ay sheegeen in waxyeeladda iyo cashuurta laga helaa kala badan tahay, iyagoo xusay inay daraasad ku sameeyeen, sido kale waxa xildhibaanaddu ka doodeen in shirkadaha jaadka iyo kuwo Biyaha iyo sharaabku oo ah kuwo ugu qashinka badan aanay door fiican ka qaadan ololaha nadaafadda iyo waxa laga yeellayo.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Soltelko ayaa xildhibaanadda ka codsaday in maalin gaar ah loo qorsheeyey inay xafiisyadda fulinta yimaadaan, isla markaana inta kale noqoto maalmaha  dadweynaha loo shaqeeyo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Maadaama oo aynu xildhibanadii golaha deegaanka aynu nahay si hawluhu qaranku innoogu socdaan waa in xildhibaanadda maalina kaliya loo qoondooyo maalintaasi ay noqoto Arbacadda, isla markaana maalmaha kale u daayaan dadweynaha iyo adeega loogu hayo, waayo waxaad doorteen guddi fulineed guddidaasi waa inay u adeegaan dadweynaha.” Tallaabadani waa mid hore loo qaaday oo astaan u ah dedaalka Maayarku ugu jiro inuu ka tago raad wax-qabad.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office