Maayarka Caasimadda oo ka Warbixiyey natiijada Socdaal wefti uu hoggaaminaya ku tageen Waddanka Sweden

Hargeysa (SLpost)- Wefti  uu hogaaminayo Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo todobaadyadii u dambeeyey socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Sweden ka dib markii ay casuumad ka heleen Dhiggooda Caasimadda dalkaas ee Stockholm, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa.

Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo maanta ka soo degay madaarka Hargeysa oo ay ku soo dhaweeyeen ku-xigeenkiisa Caasimadda iyo xubno ka tirsan golaha Deegaanka, ayaa sheegay inay dawladda hoose magaaladda Stockholm ay kala saxeexdeen inay mataaneeyaan labada caasimadood ee Hargeysa iyo Stockholm.

“Safarkayagu waxay uu ku yimi casuumad aanu ka helnay dawladda hoose ee Stockholm oo ahayd casuumadii ugu horeysay ee hab dawladeednimo inooga timaada Sweden, waxaana ka wada hadalnay laba arrimood; mataanaynta labada caasimadood iyo furista xarunta horumarinta gudaha iyo qurbojoogta (Center for local development and Diaspora) oo Hargeysa laga furi doono, xafiiskaasi oo xidhiidhin doono horumarka gudaha iyo jaaliyadaha oo ay mashaariic badan ka fulin doonto dawlada hoose ee Stockholm,”ayuu yidhi maayarka magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid.

Maayarka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay, “Waxa kale oo aanu soo marnay magaalooyin kale oo aanu maayarradooda la kulanay, waxaanu ka soo qaadanay daris aqooneed ah inay ummad waliba iyadu wax qabsato, ummad aan iyadu dalkeedda dhisan cid kale uma dhisto, waxaanu soo baranay ummad kooga yar ilaa ka ugu weyni ay ka wada shaqaynayaan dhismaha iyo nadaafada magaalooyinkoodda, taas oo ah wax cashar lagu qaato, waxaan mahad uga jeedinayaa dadweynaha sweden iyo dalada isku xidha oo hawshan ka shaqaynaysay.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wasiirka oo ka jawaabayay inay wax mashaariic ah Sweden ka fulin doonto Hargeysa,waxa uu kaga hal-celiyay, “Haa mashaariic horumarineed way ka fulinayaan oo xafiiskaas ayaa kow ka ah, waxa kale oo aan u gudbinay codsi ah in qalab iyo aqoon na siiyaan, iyadoo la balanqaaday in laba iskuul oo mid farsamo yahay midna in dadka nafaada ah loo sameeyo iskuul ay samayn doonaan,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET