Maayarka Caasimadda Oo Jaalliyada Reer Sweden Ka Codsaday Inay Doorkooda Ka Qaataan Horumarka Dalka

Stockholm, (SLP)- Maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo xubno xildhibaanno ah oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa oo uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa kulan la yeeshay qaaer ka mid ah jaalliyada dalkaas.Gole deegaan

Maayar Soltelco ayaa jaalliyada reer Sweden ka codsaday in waxqabadka gole deegaan ahaan looga baahan inay fuliyaan, ay qaybtooda ka qaataan qurbe-joog ahaan.  “Somaliland waxa taala guddo iyo dibadba inay midnimo sameeyaan, waana inaad idinku midnimadaa hormood ugu ahaataan, waayo idinku waxaad aragteen dhaqan dad waxqabsaday oo dhistay, muu tahriibin ninka reer Stockholm ee wuxuu dhistay magaaladiisii, waxaanu ka soo bilaabay halka ugu hoosaysa, isagoo gaadhsiiayy halka ugu sareysa, idinka iyadoo ay duruufo keeneen inaad soo dhooftaan dal kasta marka la eegayo dhaqaalihiisa, waxa jira wax la yidhaahdo xoogga u shaqo tagey, idinkuna ciddii u shaqo tagtey ayaad ahayd Somaliland, markaa inaad aqoon iyo adduunba kusoo kordhisaan waa la idiinka fadhiyaa, waxaan odhan lahaa xaafad weliba inay ka shaqayso inta dhalinyar ah ee degan xaafaddaasi siday wax u baran lahayd.” ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaas ku daray, isagoo la hadlaya jaalliyada ay kulanka la qaateen ee reer Sweden. “Runtii anaga waxqabad badan baa lanooga baahan yahay, idinkana waxa la idiinka baahan yahay wixii lagu qaban lahaa iyo taakuladeedii.”

Somalilandpost.net