Maayarka Caasimadda Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay, Kana Warbixiyay Safar Uu Ku Tagey Yurub

Haregysa, (SLpost)- Wefti uu hogaaminayo maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo muddooyinkii u dambeeyay safar ugu maqnaa waddamada Yurub ayaa maanta dalka kusoo laabtay.Maayarka

Maayarka caasimadda ayaa waxa kusoo dhaweeyay gegada diyaaradaha ee Cigaal xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka iyo dadweyne tiro bada, waxaanu ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay muddadii ay safarka ku jireen. “Safarkayagu wuxuu ka bilaabmay magaalada Stockholm wuxuu ahaa safar taariikhi ah oo isu huwan heshiis ay Stockholm iyo Hargeysi wada-galeen oo noqonaysa markii koowaad oo waddan ku yaalla geeska Afrika magaalo ka mid ahi ay heshiis wada galaan magaaladaas.”

Waxa kale oo uu maayarku ka hadlay tabobar ay qaar ka mid ah xildhibaannada deegaanka Hargeysa ay ku qaadanayaan dalka Sweden, isla markaana dufcad kale oo ka mid ah xildhibaannaduna ay dhawaan tabobar la xidhiidha hanaanka magaalooyinka loo dhiso ay ku tagi doonaan dalkaas, waxaanu yidhi. “Ujeedadayada labaad ee safarku wuxuu in xildhibaannada lagu soo tabobaro sida ay u shaqeeyaan magaalooyinku, iyadoo tabobarkaas uu u socdo xildhibaanno ka tirsan golaha, qaybta labaadna ay bisha October bixi doonaan, waxaanay ka mid tahay deeqaha ay magaalada Stockholm ugu deeqday Hargeysa.”

Somalilandpost.net