Maayarka Caasimada oo Dalka Ku Soo Laabtay Kadib Socdaal Shaqo Oo Dibada Ah Fariina U Diray Shacbiga Hargeysa

Hargeysa(SLpost)-Maayarka caasimada Cabdiraxmaan Soltelco ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Sweedan iyo Ethiopia, waxaanu daboolka ka qaaday in Ethiopia ay soo saxeexeen wajiga labaad ee qalabkii hagaajinta bilicda caasimada.

Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdiraxamaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa u mahadnaqay masuuliyiintii iyo dad weynihii sida diiran ugu soo dhaweeyay Dalka Waxana Yidhi “ Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad dalkii dib ugu soo laabto. waxan u mahadnaqayaa dhamaan Salaadiintii ,xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo dad weynaha sida diiran igu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland Ee Hargeysa waxan leeyahay waad ku mahadsantiin sida fiican ee aad isoo dhawayseen”

Maayirka oo ka xog-waramaya ujeedad uu ugu maqnaa wadamada Dibada waxa uu Yidhi “ waxaan ku maqnaa Wadanka Swedan Caasimadiisa Stockholm Iyo Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia Swedan waxan aan kula kulanay masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Dalkaasi, waxaanu ka wada hadaley Sidi labada Dal ama labada Caasimadood ay isku kaashan lahayeen oo wax badan ay u wada qabsan lahayeen, Dalka Ethiopia oo uu safarkaygu ku dambeeyay ayaa sido kale waxa aanu ka soo wada hadalay Xidhiidhka Labada Casimadood Sido kale waxa aan soo saxeexayeey Qalabkii labaad oo aan ka soo iibsan doono Dalka Ethiopia qalabkaas oo wax weyn ka tari Doono Bilicda Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.”

Maayir Solteco oo si gaara ula hadlaaya Dadweynaha Reer Hargeysa waxa uu yidhi “ waxan leeyahay dadweynaha Reer Hargeysa dhawaan caasimadu waxa ay u Eekaan Doontaa Caasimadaha Dalalka Horu maray Qalabkiina Waa inoo soo socdaa.