Maayarka Burco Oo ku Faanay Intii Uu Xilka Hayay In Aanu Wax Laaluush Ah Qaadan

Burco(SLpost)-Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa fagaare ka sheegay in aan muwaadin reer Burco ah u sheeganayan wax laaluush ah oo uu ka qaatay intii uu xilka u hayay, waxaanu arintaas ku tilmaamay mid isaga farxad ku abuuraysa.

Waxa uu sidan ka sheegay maayarku mar uu ka hadlaayay xaflad komishanka maamulwanaag iyo la dagaalanka musuqu uu ku qabtay magaaladda Burco, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Aniga reer Burco oo dhamow isku taga oo laaluush ii sheegan maysaan, oo odhan maysaan Maxamed Muraad ayaanu laaluush siinay oo waxaas noo sameeyay alle ayaan hore u waydiistay in aanan reer Burco laaluush ka qaadan waana layga aqbalay ayaan u malaynayaa,kashkayga kuma ogi toban doolar, waanan ku faraxsanahay.Aniga kuwii laaluusha ii keenay ee aan ka diiday waabay i ashkateeyeen oo hada ayay dacwadeedii igu socotaa.”

Inta badan masuuliyiinta xilialka kala duwan u qabta Somaliland ayaa musuqa iyo wax isdaba marinta caan ku ah.