Maayarka Boorama Oo Sumaynaaya Eyda Magaaladaas iyo Waxyaabaha Sababay

Boorma(SLpost)-Maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ku dhawaaqay inay sumaynayaa maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa eyda magaaladaas ku nool oo uu sheegay inay tiro bateen caafimaad darana ku hayaan dadka magaaladaas.

puredogss

Maayarku waxa uu ka codsaday shacbiga magaaladaas inay xakameeyaan ubadkooda si eydaasi aanu u waxyeelayn maalinka la sumeeyo, waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Waxaanu bilaabaynaa Sabtida shanta subaxnimo eyda oo dhib badan oo caafimaad daro ah inagu haysay inaan wax ka qabano oo aanu sunayno, markaas shanta aroornimo waxaanu ka rabnaa waalidiinta inay ubadkooda ilaaliyaan, si aanay wax uga soo gaadhin hawlgalkaas idinka wax laydiinku qabnaayo, qolada nafaqana waxaanu leenahy waxii ay eydu quudanaysay labadan maalmood ee soo socda noo kaydiya, si ay eydu u gaajooto oo waxa loo tuuraba ay u qaadato, waayo eydu hadii ay dharagsantahay wax la siinayo ma cunayaan oo dareenkoodu waa uu taagan yahay.”