Maayarka Berbera Oo Shahaado Sharaf Ku Mutaystay Ka Midho-dhalinta Mashruuca JPLG

Berbera, (SLpost)- Madaxwayne Ku-xigeenka   Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay xafiiskiisa shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Maayarka  Magaalada Barbara Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin.madaxweyne ku xigeenka

Shahaado sharaftaasi oo la sheegay in uu maayarka Berbera ku mutaystay  in maamulka dawladda hoose ee magaaladda Berbera ay si fiican u fulisay mashruuca maamul daadejinta ee loo yaqaano JPLG gaar ahaana dhinaca horumarinta waxbarashadda.

Gudidda  wasiirrad ah ee gacanta ku haya hawlaha mashaariicda  maamul daadejinta magaalooyinka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  oo  shalay shirkoodii 16-aad ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana shirkaasi   ka soo qayb galay   xubnaha gudidda maamusha mashruuca JPLG  Wasiirro, Agaasimayaal guud iyo Maayarada degmooyinka  lagu bilaabay tijaabada mashruuca maamul daadejinta.

Magaaladda   Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabadda  mashruuca maamul daadejinta magaalooyinka iyo  waxbarashada ayaa loo aqoonsaday inay noqotay degmada ugu keliya ee sida   fiican u fulisay hawshii loo qorsheeyay.

Madaxwayne ku xigeenka   ayaana halkaasi shahaado sharaf  ku  gudoonsiiyay   maayarka Berbera  uu Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin, shahaadadaasi oo lagu tilmaamay in ay tahay mid uu ku mutaysatay Maayarka  degmada  Berbera  hirgelinta mashruucasi tijaabadda ah.

Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin,  oo isagu hogaaminaayey maayaradii lagu tijaabiyey maamul daadejinta, ka dib markii uu sidii la rabay uga soo baxay ugana dhex muuqday guud ahaan gobolada dalka.

C/raxmaan  Saylici, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa maayaradda kalena ku   dhiiri geliyay   in ay horumar  sameeyaan,  kuna daydaan maayarka Berbera   si ay bulshadu u hesho adeeg hufan oo ku filan, dalkana u noqda bilic iyo waxqabad muuqda oo dhaxal gal ah.

 

Kulamadda   gudidda hogaamisa mashruuca JPLG   oo ah  mid ay inta badan ku tartamaan maayaradda magaalooyinku ayaa bishan loo aqoonsaday maayarka Berbera  in uu noqday masuulkii  sida wanaagsan uga midho dhaliyay mashruucaasi.