MAAREYNTA IYO AGAASINKA DHAQAALAHA DAWLADA (FISCAL POLICY AND MONETARY POLICY)

xikmad badan kuma fadhido odhaahda ah “Mar hadaynu haysano Nabad, wax innaga maqani ma jiraan”. Dawladaha waxa loo samaystaa inay nolosha dadyowga ay xukumaan ay sare u qaadaan, waayo Bani Aadmigu waxu u baahan yahay horumar iyo inay noloshooda sare u qaadaan. Waxa waajib ah inay dawlad waliba ay isku taxalujiso siday horuumar ay dadkeeda u gaadhsiin lahayd sida Biyo nadiif ah oo dadka ku filan, Laydh jaban, Dugsiiyo tayo aqooneed leh, Cusbitaalo casri ah iyo daawooyin qiimo macquul ah, Shaqo abuurid, Maceeshada daruuriga ah oo dadka danyarta loo jebiyo, Wadooyin iyo adeegyo faro badan oo aynaan halkan kusoo wada koobi karin. Qorshaha noocaas ah waxay dawladuhu u maraan laba farsamo.

Ta hore, waa farsamada ay Cashuurta ama dakhli ay usoo ururiso (Taxes), iyo cashuurtaas ay soo uruurisay sida ay meelaha ugu haboon ugu istimaali lahayd (Spending), waxaana la yidhaahdaa siyaasada Maareynta cashuurta iyo wax ku qabad lacagta laga soo uruuriyey cashuurta (Fiscal policy).

Waxa fiican marka hore inaynu fahano inuu dhaqan siyaasadeed ka ( political system) dalalka reer galbeedku ay iskaga soo hor jeedaan fikir ( ideological) salka ku haya loolanka dhaqaale ee dabaqadaysan (Class struggle) oo kala ah dabaqada xoogsatada ah ama loo yaqaano shaqaalaha, iyo dabaqada maal qabeenada ee wershadaha iyo wax soo saarka leh. Sidaas darteed, dhaqaale yahanadana ( economists) waxay si dabiica ah ula kala safteen mujtamicii ay ku dhex noolaayeen, iyagoo qaarkoodna ay aaminsan yihiin inay dawlada ay ku waajib tahay, isu dheeli tirka iyo xaqsoorid wax ugu kala qaybinta dhaqaalaha dawlada soo gala ( wealth redistribution) , oo ay markaas qabaan inay dawladu ay maalqabeenada cashuurta ku kordhiso, si markaas cashhurtii wax loogu qabto dadyowgii dhibaatooyinku dhaqaale xumo ay haysteen. Weliba waxa kooxdani aaminsan tahay inay dawladu door weyn ay ka ciyaari karto kobcinta dhaqaalaha ( Demand side), waxaana kooxdan hormood ka ahaa Mudane John Maynard Keynes oo Ingiriis ahaa. Kooxda kale ee kuwan ka soo hor jeedaana, waxay aaminsan yihiin inaanay dawladu arrimaha dhaqaalaha faro gelin ku yeelin, waayo waxay qabaan inuu dhaqaaluhu leeyahay farsamo Rabaani ama dabiici ah, oo uu isku saxi karo waxa loo yaqaano gacanta aan la arkayn( invisible hand), oo markaas gacan lasoo gelida dawladu ay dhibaato uun abuurayso (Hadda waa iyadoo aanay ku jirin eexda siyaasiyiinta iyo xoolaha ummada ee ay ku takri falaaan, Eebow Qaadir). Waxay kaloo kooxdani danbe rumaysan yihiin inay dawladu ku ekaato kala celinta dadka iyo nabada ilaalinteeda uun, markay dhaqaale noqotose ay ku ekaato daabicida lacagta iyo inaanu sicir barar dhicin. Kooxdan danbe waxay kasoo dab qaataan Mudane Adam Smith oo loo yaqaano aabaha maadadan dhaqaalaha, kooxdan ka soo horjeedey Keynes ee ku doodaya inay dawladu cashuurta ka yarayso maal qabeenada ( supply side) dhaqaalahana faraha kala baxdo, waxa hormood ka ahaa Fredrick Hayek oo ahaa nin Ingiriis ah oo Austria u dhashay iyo Milton Friedman oo Maraykan ahaa.

Markaas Maareynta iyo Agaasinka dakhliga cashuuraha( Taxes) iyo wax ku qabadka cashuur taasi ( spending) waa farsamo ay dawladu isugu dheelitirto dhaqaalaheeda oo af ingiriisida lagu yidhaado (dhawaaqu waa Fiskal bolasi, Fiscal policy). Dhaqaale yahan ka la odhan jirey John Maynard Keynes ( 1883- 1946) ayaa waxuu aaminsanaa inay dawladu ay gacan ku yeelan karto horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha marka uu dhaqaaluhu ku jiro xaalad xun oo fadhiid ah. Waxuu aaminsanaa haddii loo baahdo inay dawladu wax sii amaahato si ay hadhow markuu dhaqaaluhu sare u kaco dadka shaqayn doona cashuurta laga uruuriyo uu dhaqaalaha kobcin karo, oo markaas lacagtaas soo hoyatey lagu bixin karo waxii hore ay dawladu sii amaahatay. Dawladihii ka soo baxay hagardaamooyinkii dagaalkii labaad(1939-1945) fikirkaas Keynes way qaateen, waana lagu badhaadhay in muddo ah. Dawlado badani waxay sameeyeen Cusbitaalo,dugsiiyo, shaqo abuuris badan iyo adeegyada bulshada oo wax ku ool noqday. Dhaqaalihii danyarta sare ayaa loo kiciyey. Dadkii shaqaalaha ahaa waxay awood u yeesheen inay guri iibsadaan iyo inay baabuur iibsadaan oo ay caruurtoodii jaamacado u diraan. Dawlado badani waxay hirgeliyeen inay dadka aan shaqayn karin ama baahi ku timaado inay u samaystaan nidaam lagu daryeelo oo barwaaqo sooran ah ( welfare state). Rarka cashuurtana waxu dheeligiisu u badnaa dhinaca Maalqabeenada oo cashuur badan laga qaadi jirey.

 Haseyeeshee, markii la gaadhey todobaatanadii ( 1973-79) ayaa waxa bilaabmay inuu shidaalkii adduunka qiimahiisu kor u kacay, oo markaas lala kulmay shaqo la’aan baahsan iyo sicir barar aad u sareeya( Stagflation). Sidaas darteed, waxay dawladaha reer galbeedka siiba Boqortooyada Ingiriiska iyo dalka Maraykanka madax ka noqday, madax sida Margareth Thatcher oo taagersanayd fikirkii Fredrick Hayek, iyo Ronald Reagan oo isna qaatay fikirkii Milton Friedman oo markaas aminsanaa inay kobcinta dhaqaaluhu ay ku xidhan tahay siyaasada daryeeleysa, ee cashuurta ka dhimaysa Maalqabeenada wershada, oo ay u arkayeen inay shaqooyinka ay inta badan iyagu abuuraan. Waxay kale oo ay madaxdaasi hirgelisey fikirkii Hayek iyo Friedman ee ahaa inay dhaqdhaqaaqa lacagta iyo marba tirada lacagta guud(Money supply) iyo dulsaarka amaahdu (interest rate) ay noqoto mid ku salaysan Maareynta iyo Agaasinka lacagta (Monetary Policy) ee dhaqaalaha wadamadooda.

Waxa markaas laga soo bilaabo horaantii sideetaamkii (1980s) ilaa laga soo gaadhey 2007/8 ay dawladaha reer galbeedku ay ku dhaqmayeen siyaasadaas ku wajahan Maareynta iyo Agaasinka lacagta (Monetay Policy) oo sidan soo socota u shaqaysa. Marka dhaqaale xumo timaado lacagta dulsaarka ah ama Ribada ( interest rate) hoos haloo dhigo, si ay dadka wax iibsanayaa ay deyn jaban oo ay wax kusii iibsan karaan u helaan, oo uu dhaqaaluhu u kobco, iyo inay dadka maal gashiga doonayaa ay wershado ama waxay rabaan ee kale ay deyn jaban oo ay wax ku soo iibsadaan u helaan, oo ay markaas shaqooyin u abuuraan. Ruuntii ( 1982- 2007/8) waxay ahayd mudooyin ay dhaqaalaha reer galbeedku ay si fiican u koreen oo shaqo la’aantu yaraatay, nasiib darrose waxay noqotay dhibaatooyin culus baa ka hor yimi, waayo 2007kii waxa bilaabantay in la Iska bixin kari waayey deyn kii iyo amaahdii sida dhibta yar loo qaadan jirey, oo ay markaas Bankiyo iyo shirakado waaweyn oo caymiska ahi ay la kulmeen in deynkii ay cidina Iska bixin kari weydo, oo markaas qaarkoodna ay kaceen oo albaabada loo xidhay, qaarkoodna ay dawladahoodii ay damiintaan, oo sidaas ku badbaadeen. Sidaas awgeed, Fikirkii Hayek iyo Friedman ee u sadburinayey maalqabeenada isaguna halkaas buu cilado kala kulmay, markaas imminka dhaqaaale yahano aaminsanaa fikirkii Keynes baa fursad u helay inay yidhaahdaan fikirkayagii hore (Keynesian) baa fiicnaa, waayo bay yidhaahdeen waxa kala fogaadey dabaqadihii iyo noloshii dadyowga dalal kooda. Waxay ku doodayaan dawladihii lagu canaanan jirey inaanay u samaynin barwaaqo sooran ( social benefits) dadyowga jilicsan ee u badan dabaqada shaqaalaha, baa iminka badbaadiyey maalqabeenadii oo weliba siiyey lacag had dhaaf ah ( trillions of dollars), markaas waxay leeyihiin barwaaqo sooranku haduu u fiican yahay maalqabeenada, waa inuu sidoo kalena u fiicnaadaa dabaqada shaqaalaha oo ay dawladu gacanta kula jirtaa sidii loo kobcinta lahaa dhaqaalaha ee uu Keynes inoo tilmaamay. Oo dadyowga shaqaalaha ahina ay daryeel u helaan.

 Hadaynu si kale u dhigno, farsamooyinkani ( fiscal policy) waxay u shaqeeyaan sidan, markuu dhaqaaluhu liito( sida shaqo la’aan baahsan) ee loo baahan yahay dawlada soo faro gelinteeda, waxuu dhaqaale-yahan Keynes lee yahay, Kow dawladu cashuurta hoos ha u dhigto, maal-gashina ha samayso oo xitaa haddii aanay lacag haynin ha soo daabacdo, ama ha soo amaahato oo dhismayaal iyo adeegyo bulsho ha samayso si uu dhaqaaluhu u badhi taarmo. Dhaqaale yahanada isaga kasoo hor jeedeyna waxay lee yihiin, waar waxay dawladu cashuur ahaan kusoo uruurisay oo kali ah ha isticmaasho, waayo bay yidhaahdeen hadhow way ku adkaanaysaa dawlada inay deynkaas dib isaga bixiso. Waxay kaloo lee yihiin markay dawladu amaah doonato waxay barakicin dhaqaale ay ku samaynaysaa maal qabeenadii maal-gashi warshadaha iyo shaqo abuurba samayn lahaa, oo ay ku adkaanayso inay iyaguna lacag deyn ah helaan (Crowding out), waayo dee waxii ay amaanhan lahaayeenba dawladii baa amaahatay. Waxay kaloo lee yihiin daabacaada lacagta la iska soo daabacaa, iyada ayaaba wadata sicir bararka sida uu yidhi Milton Friedman (” inflation is always and everywhere a monetary phenomenon”) oo micnaheeddu yahay sicir bararku had iyo jeer iyo meel walba waa Aafo lacageed. Jawaabta kooxda Keynes waxa leedahay dawladi lacag waayi mayso ama cashuur ha ku hesho ama lacag ha soo daabacdo ee waxa inoogu darran dadkii baahnaa oo aan la dar yeelin.

Maareynta iyo Agaasinka farsamo ee lacagtana (Monetary Policy) waxay iyana u shaqaysaa sidan soo socota. Horta farsamadan waxa gacanta ku haya Bankiga dhexe, waana gacan ka madax banaan dawlada markuu jiro nidaam dawladeed oo hufani. Markaas markuu dhaqaaluhu xumaado waxu Bankiga Dhexe sameeyaa hoos u dhigida qiimaha wax lagu kala amaahdo, si ay dadka iyo Tijaartii wershadaha iyo makiinadaha (machines) soo iibsan lahaa ay deyn jaban u helaan. Waxay kaloo sameeyaan lacagta ayey suuqa kusii daayaan iyagoo dadka ka iibinaya warqada la yidhaahdo igu lahaw(Selling government Bonds) si ay dadkii ama Bankiyadii Baayacmushtarka ahaa ee kale (Commercial Banks) ay u helaan lacag dheeraad( expansionary) oo suuqa wax kala socod siisa. Markuuse dhaqaaluhu wacan yahay, waxuu Bankgiga dhexe sameeyaa inuu dadka ka gadto/iibsado warqadii ku lahaanshaha (Buying government Bonds)oo ay lacagtii Bankiga dhexe dib ugu soo noqoto iyadoo ah sidii wax suuqa laga soo uruuriyey oo kale ah (contractionary), ama uu Bankiga dhexe sameeyo kor u qaadista dulsaarka (interest rate) lacagta lagu kala amaahdo, oo ay markaas adkaato inay dadku ay deyn jaban helaan. Isku soo wada xoori, siduu yidhi qoraaga Philip Coggan “kasoo qaad dhaqaaluhu inuu yahay sida baabuurka oo kale, oo markuu dhaqaaluhu xoog u kobco ee laga hor tegayo sida sicir bararka iyo dhibaatooyin ka kale ee la xidhiidha waa in Bireyga loo qabtaa iyadoo cashuurtana la kordhinyo kharash yada kale ee dawladu isticmaashona la gooyo/yareeyo (higher taxes and spending cuts), laakiin markuu dhaqaaluhu liito ee kobcin loo baahan yahay waa in Saliida ( accelerator) la isugu taagaa, oo micnaheeddu yahay cashuurta oo hoos loo dhigo iyo kharash yada ay dawladu dalka gelineyso oo la kordhiyo ( tax cuts and spending rises)”. Oo fahanoo cashuurta la kordhiyaana dhaqaalaha bay waxyeelo weyn u keentaa, lacagta la iska soo daabacona waxay dhalisaa sicir barar. Labaduba dawlada Kulmiye ee Soomaliland waa labo arrimood oo ay had iyo jeer sameeyaan. Waa Ruqay ninkii lahaa dabada hayo ee miyey kici?

Mahadsanid,

Calikubad