Maareeyihii Wargeyska Ogaal oo maanta si Heer Qaran ah loogu Aasay Hargeysa iyo weedhaha laga yidhi Shakhsiyaddii Marxuumka (SAWIRRO+COD)

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa Maareeyihii Wargeyska Madaxa bannaan ee Ogaal, Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

AASKA (1)Marxuumka oo sannadihii u dambeeyey la il-darnaa xannuunka Joonis-Cadka (Hepatitis B), ayaa shalay ku geeriyooday cusbitaalka New Hargeya ee caasimadda Somaliland oo uu in muddo ah u yaallay dabbiibka xannuunka, haseyeeshee waxa ay tiisu dhammaatay oo uu geeriyooday shalay gelinkii dambe.

Aaskar Qaranka oo maanta loogu sameeyey Xabaalaha Naasa Hablood ee duleedka Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin isugu jirta Axsaabta Qaranka, Xukuumadda, Bahda Saxaafadda, Qalinka iyo Dadweyne Tiro badan.

HALKAN KA DHAGAYSO WEEDHIHII LAGA YIDHI

AASKA (6) AASKA (4) AASKA (2)AASKA (7)AASKA (3)AASKA (5)