Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo ka Warbixiyey Mashruuca Ballaadhinta Biyaha Hargeysa

Hargeisa (SLpost)- Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargaysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka war-bixiyay xaaladda wakaalada biyaha, balaadhinta biyo-galinta Hargaysa, dib dhiska iyo habaynta shaqaalaha wakaaladda iyo qorshaha sanadkan.

Maareeyuhu waxa uu ka hadlay balaadhinta iyo biyo galinta Hargaysa wuxuuna sheegay inay wadaan mashruucii biyo-galinta ee ceelasha Xunbo-wayne , Jaleelo oo uu sheegay in qoddidii ceelashu ay dhamaadeen sanadkanna ay bilaabmayaa rakibaadda dhuumihii biyaha ka qaadaayay. Waxa kale oo uu sheegay inay barbar socdaan mashruuca balaadhinta biyaha Geedeeble oo iyagana Ceelal laga qodayo  deegaanka Hora-haadley .

Ibraahim Siyaad YoonisMaareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in haddii mashruucan lagu guulaysto uu kaafayn doono badi baahida biyo ee caasimadda Hargeysa.

Mar uu maareeyuhu ka hadlayay qiyaasta biyaha la filayo in Hargaysa la soo gaadhsiiyo ayaa waxa uu sheegay in biyaha ceelasha Xunbo-wayne ay dhan yihiin 5000 ilaa 6000 Mitir Kuyuubic oo ah qiyaas Dareeraha lagu cabbiro, halka balaadhinta biyaha Geedeeble ee Hora-haadlay ay dhan yihiin qiyaas ahaan 3000 ilaa 4000 M3 .

Mar uu maareeyuhu ka hadlayay biyo dhawaan loo geliyey xaafada Sheekh Cumar ee Koonfur Galbeed magaalada Hargeysa,  waxaa uu yidhi, “Horta biyuhu waa laba qaybood qayb ceelal laga soo saaro oo Illaahay (SWT) uu dhulka hoostiisi kayd ahaan u dhigay iyo qaar kuwa ku xidhan cimilada oo xiliyada gu’gii la helo oo ah kuwa dooxyada laga helo, markaas biyahan xaafadaas Sheekh Cumar iyo xaafado kaleba waa kuwa xilli-roobaadka ah oo cimilada ku xidhan, waxaana la rajaynaa in sagaalka bilood ee gu’ga biyo ku filan xaafadaas iyo xafaadaha kaleba ay ka helaan.”

Isaga oo maareeyuhu hadalkiisa sii wata ayaa wuxu sheegay in ay Hargaysa u rajaynayaaan inay biyo ku filan heli doonto haddii qorshan biyo galintu soo gabagaboobo, “Wejigii koowaad ee ceelal-qodidda oo imika dhammaadya, waxa ku xiga wejigii labaad ee dhuumaha biyahaas soo qaadaaya sidii loo soo dhigi lahaa,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Ugu danbayntii, waxa uu maareeyuhu mahad naq u soo jeediyay dadwaynaha reer Hargaysa, waxaanu u u ballan-qaaday inay wakhti dhow biyo ku filan ay wada-heli doonaan.

SOMALILANDPOST.NET