Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Sheegay inay Biyaha Gaadhsiinayaan Xaafadaha Magaalada

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada  Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa maanta ka warbixiyey waxqabadkii sanadkii 2012-kii uqabsoomay wakaalada Biyaha iyo qorshaha sanadkan cusub ee 2013-ka ay ugu talo galeen  Horumarinta biyaha caasimada Hargeysa .

Ibraahim Siyaad YoonisMaareeyuhu Waxa uu Sheegay inay Qorsheeyeen Sidii Xaafado ka mid ah Caasimada loo gaadhsiin lahaa Biyaha ,isagoo intaas ku daray  inay xaafada koofur bari ee magaalada Hargeysi dhawaan heli doonaan biyo ku filan,Waxaa kale oo uu Xusay inay qorshaha Ugu jirto inay guud ahaan magaalada Hargeysa biyaha Gaadhsiin doonaan.

Maareeyaha wakaalada biyaha ee Hargaysa  Ibraahin Siyaad Yoonis waxa uu Sheegay oo kale inay Kor u qaadeen tayadda iyo nolosha Hawl wadeenada ka hawl gala Wakaalada Biyaha Isla markaana ay Iskaashi kala yeesheen Midowga Yurub iyo Hay’ada Un Habitat .

Gaba gabadii Waxa uu Maareeyuhu  sheegay inay  mashruucaasi maamuli doonto Hay’ada Habitat Mudada Sadexda Sanno ah ee uu Socdo,iyadoo marka ay dhamaadaana ay ku rajo weyn yihiin in Guud ahaan xaafadaha Caasimada Hargaysa ay heli doonaan Biyo ku filan.

Somalilandpost/Hargeysa