Maareeyaha Haamaha Shidaalka oo Sheegay In Aanay Cid U Dabafadhiisanayan Wareejinta Haamaha

 

Berbera(SLpost)-Maareeyaha haamaha shidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay inay wareejinayaan haamaha shidaalka, isla markaasna aanay cidina ka hor istaagi karin.

Waxa uu maareeye Saleebaan dhaliilay dad shacab ah oo dhawaan ka hadlay Berbera oo dhaliilay wareejinta haamaha shidaalka, waxaanu sheegay inay wakhtigan diyaar u yihiin wareejintooda.

01

Waxa uu sidan maareeye Saleebaan u sheegay shir jaraa’id oo uu kula hadlay warbaahinta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Dadkii sida xun uga hadlay haamaha shidaalka aad iyo aad ayaan uga xumahay odhaahihii ay ku hadlayeen,waxay ahayd runtii mid aan qaranimada iyo shaqsiyadooda toona ku wanaagsanayan, qaran ayaynu nahay oo madaxweynaha,wasiirada iyo maareeyaha haamhuba qabiil maaha,waxa mudan in shaqada qaranka iyo qabyaalada aad loo kala saaro waliba ragii meesha ka hadlaayay waxay u badan yihiin rag haayado dawladeed ka shaqeeya, kuwaas dawlada u shaqeeya ee haayadii ugu lacagta badnaa jooga ee hadana abaabulka samaynaaya ha xishoodaan.”

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Haamaha waanu wanaajinay oo waanu ka shaqaynay oo meelfiican ayay maraynaa madaxweynaha amarkiisa ayaan kagaga shaqeeyay, waxaanu ugu talo galay hadii uu helo maalgashi caalami ah iyo mid maxali ahba oo wax lagu kordhin karo waanu qaadanaynaa oo cidna loo daba fadhiisan maayo, hadii aanu aragno inay kaga waxtar badato intii aanu anagu haynay, haday la anfac noqon waydo oo aanu u aragno waxaan noo qalmayna sidii TOTAL looga noqday ayuunbaa looga noqonayaa, laakiin waa tijaabo oo waxa la eegayaa inuu terminaalku hagaago, haduu hagaagi waayo oo meelintii lagu wareejiyay dhaami waayana sida kuwii horeba looga soo celiyay ayaa looga soo celin doonaa, haamaha waanu wareejinaynaa oo waxaanu ku wareejinaynaa shirkadaha maxaliga ah,  waana hadii laysla waafaqo madaxweynaha ayaa ikhtiyaarka leh oo dastuurka ayaa siinaya.”

Ugu danbayntii waxa uu maareeyahu muujiyay jacaylka uu u qabo madaxweyne Siilaanyo“Madaxweynaha waxaan abaal u hayaa in aan la soo koobi karayn, waxaanan la shaqaynayaa hadaan xilka hayo iyo hadii aanan haynba, waa madaxweynahaygii waxaanan ku jiraa masuuliyiinta yar ee uu shahaado ku siiyay waxqabadkoodii.”

Berbera Somaliland

Somalilandpost