Maareeyaha Dekedda Berbera oo Difaacay Qorshaha Dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera

Berbera (SLPOST)- Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Xoor-Xoor, ayaa sharraxaad ka bixiyey baadi-doon Xukuumaddu ugu jirto maal-gelin dibadeed oo lagu sameeyo dekedda Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey hadal-heynteedu ku batay bulshada isla markaana tiraba dhowr jeer xukuumaddu wada-hadallo kala yeelatay laba shirkadood oo laga leeyahay waddamada Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkadaha Ballore oo laga leeyahay dalka Faransiiska iyo Shirkadda Dubia World oo xarunteedu tahay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa si gaar ah u danaynayna inay la wareegeen gacan ku-haynta maamulka dekedda Berbera oo ay ku sameeyaan maalgelin ballaadhan, iyada oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo muddadii ay xilka haystay kulamo kala duwan dalka dibaddiisa kula yeelatay wakiillo ka socda labada shirkadood oo wada-hadallo u socdaan.

Maamulka Dekedda Berbera oo iska fogeeyey Eedaymo loogu jeediyey Kicin Dadweyne iyo Musuq-maasuq Markabkii Hubka Siday lagu kacayMaareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoor-Xoor) oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay magaalada Berbera, ayaa qorshaha maalgelinta dekedda Berbera ku tilmaamay mid ka duulaya dan Qaranka iyo Shacabka, isaga oo meesha ka saaray inaanay jirin dano gaar ah oo laga leeyahay.

Halkan ka daawo

Arrintan ayaa xisbiyada mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshadu si kale u arkeen, waxaanay xukuumadda ku dhaliileen qorshaha maal-gelineed ee dekedda Berbera iyo wareejinta maamulkeeda, iyaga oo dadku ku doodaya maadaama ay tahay Isha ugu weyn ee dhaqaalaha dalka inaanay istaahilin in maamulkeeda cid kale lagu wareejiyo.

somalilandpost.net