Maanta, Reer Sheekh baan u Hadlayaaye, Reer Somalilandow si fiican noogu Gar-qaada

 

Waxaa Qoray Rashid Garuf, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhi jiray Maraykanka.

Miisaaniyadda Somaliland waa $300 Million iyo googo’, 40% ama $120 million waxay ka timaaddaa gobolka Saaxil ama dekedda Berbera, dowladda Dhexe waxay dib ugu celisaa gobol kasta 10% wixii ka soo baxa. Markaa waxa dawlada dhexe ay dub ugu celisaa gobolka Saaxil $12 million. Dawlada Dhexe ayaa u qaybisa lacagta labada degmo ee gobolku leeyahay, waa Berbera iyo Sheikh. Degmada Berbera waxa la siiyaa lacag dhan $11.5 million sannad kasta. Halka degmada Sheikh laga siiyo $500 kun. Taas oo macnaheedu tahay 96% Waxa qaadata Berbera 4% waxa qaata Degmada Sheikh.

Degmada Sheikh waxa haysta caddaalad-darro jirtay 29 sannadood. Waxa ku sameeya oo ka masuula dawlada dhexe iyo maamulka Berbera, waxa intaaba ka sii daran in la iswaydiiyo; maxaa loo arki waayay maamulkii degmada oo ka qaylinaya ama dacwoonaya cadaalad darada haysata magaaladooda ee dawlada dhexe ku hayso. Haddiise la waayay maamul u hadla maxaa loo waayay shicibka iyo dhalinta Sheikh oo arrinkan ka hadla. Dadka inta xoog ii garanaysaa way ogyihiin in Mayor ka Degmada Sheikh yahay Adeerkay ruma. Maanta waxan halkan ka cadaynayaa Mayor ka Sheikh, Mayor ku xigeenka, iyo dhamaan golaha degaanka Sheikh inay gabeen xilkoodii inay u raadiyaan xuquuqda shicibka degmada Sheikh oo ay ka hadlaan cadaalad darada lagu hayay 20 sannadood. Dadka reer Sheikh waa kuwii u dhintay sidii waddanka loo xorayn lahaa ee Buuraha ku dhimanayay, inay 20 sannadood Hargeysa iyo Berbera u dulmanaadaan waa khalad. In qof kasta oo reer Sheikh ahi ka hadlona waa waajib, maanta aniga ka mida reer Sheikh oo eeda aan inta kale saarayo mid la mida og inay anigana dusha iga saaran tahay, waxan bilaabaya ka hadalka caddaalad-darradan, waxan ku rejo-waynahay in wax laga qabto.

Waxa laga yaabaa inaad tidhaahdo oo waa maxay dhibka haysta Sheikh sowta Berbera quruxda badan. Qof kasta oo Sheikh tegay wuu arkay dayaca iyo dhibka ka muuqda Sheikh, dadkuna waa dad aad u wanaagsan oo aan dhibka jeclayn. Schooladooda waxa loo raadiyaa macalimiin waayo mushaharka ma bixin karaan, hadaad aragto schoolada Sheikh waxay la mid yihiin kuwii xerada qaxootiga dulcad ku ooli jiray, Dhakhtarka Sheikh oo la majeerto marka roobku da’o qolkastaa wuu darooraa, qalabka iyo wax kalena hadalkoodaba daa.

Markaad baahan tahay bakhtigu waa kuu xalaal. Maamulkii degmada waxay isku darsadeen, inay iska danaystaan oo illaaWaan dantii guud, iyo qayrul-masuulnimo ka muuqata go’aankooda.

Aan ku horeeyo Laydh kii Degmada, waxa lagu wareejiyay shirkad ku balan qaaday inay laydhka jebinayso, markii ay la wareegtayna, wax kasta qaali ka dhigtay, danyartiina ka dhigtay bilaa laydh dhamaantood, masjidkii, schooladii, dhakhtarkii, dhamaantood magaalada looga yabooho laydhkooda. Dariiqada oo shidan jirtay laydh gaara, xataa waa laga jaray oo waxa la yidhi ka iibsada shirkada private ka ah. Maanta dariiqadii dad badan oo danyar ah ayaa bilaa laydh ah.

Waxa soo raaca biyahii Sheikh, Mayorka Sheikh oo adeerkay ah iyo maamulka degmadu waxay ka iibiyeen Ina Cidin, Mayorka Berbera, oo haysta lacagta Hargeysa laga siiyo. Maanta cid ka warhaysa lacagta uu ku iibsaday biyaha Sheikh inta ay tahay iyo halka ay lacagtaasu martay midina ma jirto. Waxa khaladkaa ka masuula Mayorka iyo maamulka degmada iyo Mayorka Berbera oo xalaalaystay xatooyadii dadwaynaha Sheikh. Maanta qofka reer Sheikh ee biyo raba Waxa xukuma Mayorka Berbera oo ah mulkiilahii biyaha, waa corruption kii ugu xumaa ee ka dhacay Somaliland.

Dugsigii sare ee Magaalada Sheikh caanka ku ahayd, waxa laga kireeyay hay’ado, degmada Sheikh ardaydooda looma ogola in ay galaan dugsigii sare ee Sheikh, aan ka ahayn kooto siddeed qof ah, inta kale waxa laga keenaa Somaliland oo dhan. Carruurta Sheikh ee secondary-ga rabta waxa loo sameeyay school dayacan oo aan macalimiin iyo qalabtoona haysanin.

Berbera waxan hadalkeeda kaga baxayaa dhir Timir ah oo carabta laga keenay ayay dariiqyada ku beertaan. Mayorka Berbera waa mulkiilaha biyaha Sheikh.

Talo iyo Gunaanad ku socota Madaxwaynaha Iyo maamulka cusub ee degmada marka doorashada degaanku dhacdo.

1- Qaybta dhaqaalaha loo qaybinayo degmada Berbera iyo degmada Sheikh dub ha loogu noqdo, degmadu Sheikh xaqeeda ha hesho, dulmigana ha la joojiyo. Ha lagula xisaabtamo waxay ku qabanayaan. Haddii aan arrinkan wax laga qaban maalin bay gaadhi doontaa la gubo dekedaba, oo haday reer Sheikh ka bakhtiyayaan, maxaa iga galay cida ka dhergaysa. Heshiiska lala galay DP World wuxu ahaa in dadka degaanka laga qayb gelinayo wax soo saarka dekeda. Deegaanku maaha Berbera oo qudha ee gobolka inta kale waa lagu bakhtiyay. Gobolka oo dhan si fiican wax ha loogu qaybiyo. Waa inagu ceeb inaynu Carab isula tagno ee maanta aynu dulmiga 20 sanno socday aan si degdeg ah u joojino.

2- Madaxwayne biyihii degmada Sheikh waxa is ka qaatay Mayor ka Berbera, waa xoolo xatooyo dadwayne, waxan kaa codsanayaa inaad Biyaha Sheikh ku soo celiso gacanta dawlada. Dulmigaa ku dhacay reer Sheikh wax ka qabato. Bal horta heshiiska miiska ha soo saaro oo shicibku ha ogaado maxaa biyahoodii la siistay, miyaa layska qaatay oo iyagana lacag lagaga urursadaa bilkasta.

3- Madaxwayne laydhka degmada Sheikh iyo heshiiskii lagu galay dub ha loo eego. Sheikh laydh hore oo dawladu leedahay bay lahayd, maantana milkiilayaal baa iska leh, xoolahoodii maxaa la siistay. Haddii maamulkii degmadu gabay reer Sheikh, madaxwayne xaqoodii u raadi.

4- Madaxwayne waxan maqlay inaad tidhi Jaamacad baa laga dhisayaa Sheikh, oo haddii dugsigii hoose, dhexe, iyo sareba dayacan yahay, Macalin la’a yahay, qalab la yahay; maxay taraysaa Jaamacada Sheikh laga dhisayo, mise iyadana waxa laga siin doonaa sideed arday. Waxan ku talin lahaa hoos ha loo eego waxbarashada degmada waxay ku dhowdahay inay xidhanto.

5- Maxwayne dhul toban mayl ah oo ah dhulkii magaalada ugu wanaagsanaa waxa bilaash loo siiyay Carab Kuwait Ka yimi, wax alla wax ay Sheikh ka faa’ido Carab ka ma jirto, waxa mushahar ka qaata dhowr nin oo reer Sheikh ah, Madaxwayne waxaanu kaa codsanaynaa inaad reer Sheikh oo Carabka u cadhaysan iyo Carabka aad kala dhex gasho oo heshiis fiican ka dhex dhaliso oo degmada iyo shicibka wax tara.

Wadamada adduunka dimuqraadiyada qaata waxay ku xisaabtamaan doorashadaa maamul wanaagsan keeni doonta. Degmada Sheikh dimuqraadiyadiina way gabtay, maamulkeediina wuu dayacay, dawladihii dhexe ee kala dambeeyay ee Somaliland intooda badani Sheikh mucaarad bay u arkayeen oo danteeda indhaha ayay ka qarsadeen, marka laga reebo xukuumadii Silanyo oo dhakhtarka u furtay 20 sanno ka dib markii waddanka la soo galay.

Madaxwayne reer Sheikh waxa haysta dulmi fara badan dhinac kasta, ee maanta u hiili oo wax ka qabo dulmiga haysta reer Sheikh. Khaasatan inta gacantaada ku jirta.

Waxan kale oo la dardaar mayaa xildhibaanada cusub iyo maamulka cusub ee shicibka Sheikh doortaan doorashada soo socota 2021 inay noqdaan kuwo uga wanaagsan oo uga lexojeclo badan degmada kuwa maanta jooga, si adagna ugu doodaan xuquuqda degmada Sheikh si ay wax uga qabtaan dhibka maanta jira, shicibka iyo degmada Sheikh na horumar aanay arag oo wali sugayso u tusaan.

Shicibka Somaliland iyaga waxan leeyahay 29 sannadood ayaa maalayseen dekeda Berbera, dadkii deegaanka ka ahaana waa kuwaa dhinac kasta ka arradan (biyo, laydh, waxbarasho), wixii ka soo baxayay dekeda badhna waxa la siiyaa maamulka degmada Berbera inta kalena waa waxa lagu faanayo ee qaranka lagu dhiso. Kama xumin, laakiin waxaanu marti idinka nahay inaad dhibka, dayaca, iyo cadaalad darada haysata degmada Sheikh aad nooga garawdaan oo wax nagala qabataan si dhibka loo xaliyo.

Maqaalkan, dad badan oo asxaab, ehel, iyo dad kaloo badan baan jeclaysanaynin. Ujeedo aan danta guud ahayn kama lihi.