Maanta Madaxweyne lagu doortay Shirkii Saddexda Gobol ee Baydhabo ka socday

Baydhabo(SLPOST)Shirkii maamul u sameynta saddexda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa saakay lagu doortay madaxweyne, iyadoo xilka ay isku soo taageen afar murashax.

Madaxweynaha_Saddexda_Gobol

Doorashada oo ka dhacday hoteelka Bakiin ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaayeen 723 ergo oo ka kala yimid gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo ah gobollada uu maamulkan ka talin doono.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa doorashada guddiga doorashada iyadoo laga akhriyay goobta taariikh nololeedyada murashaxiinta xilkaas u taagnaa, iyadoo ay tanaasuleen markii ay doorashadu billaabatay saddexdii murashax ee tartanka kula jiray Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay madaxweynaha maamulka.

Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa kalsoonida siisay 713 mudane, halka 10 ay diidaday, labana ka aamustay, waxaana isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha la doortay, Maxamed Xaaji C/nuur oo doorashadiisa kaddib khudbad jeediyay.

“Waxaan ka shaqeynayaa amniga saddexdan gobol, waxaana ku dadaalayaa inaan Al-shabaab ka saaro deegaannada ay gobolladan kaga sugan yihiin,” ayuu hadlaka ku billlaabay madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha la doortay ayaa sidoo kale sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono golaha wasiirrada maamulkiisa, si ay howlahooda uga billaabaan gobollada ay ka taliyaan.

Shirkan ayaa waxaa hormuud u ahaa xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo laabtay shalay Baydhabo, kaddib markii shacabka degmadaas ay dhigeen dibad-baxyo ay ku diiddan yihiin imaashihiisa, taasoo keentay in xalaaddu ay si aad ah isku bedesho.

Mar goobta laga akhriyay taariikh nololeedka madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii lasoo shaqeeyay dowladdii hore ee kacaanka ahayd, sidoo kalena uu lasoo shaqeeyay Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa daggan maanta, iyadoo intii ay doorashadu ka socotay magaalada lagu arkayay ciidammo fara badan oo amniga sugaya, waxaana ay doorashadan noqonaysaa tii labaad oo madaxweyne lagu doorto oo ka dhacda magaaladaas, waxaana magaalada haatan ku sugan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, iyadoo shacabka Baydhabo ay afartii maalmood ee lasoo dhaafay dhigayeen dibadbaxyo ay ku taageerayaan maamulka uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow ee lixda gobol.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland