“Maanta inaanu naftayada iyo Maalkayaga Difaacanno ayuunbaa Noo hadhay..wax haloona qabto dambe sugi mayno”

Hargeysa, 17 March, 2012 (SLpost)- Ganacsato danyar ah oo Dawladda Hoose ay ka rartay Suuqa Gobonimko gaar ahaan wejehadda Woqooyi/Bari ee guriga Xisbiga ayaa dawladda Hoose ee Hargeysa uga digay inay qaaddo tallaabo amni-darro iyo khalkhal abuuraysa ka dib markii la sheegay in meelihii lagaga raray loo soo rarayo ganacsato ku shaqaysan jirtay Shaaricyada waaweyn ee badhtamaha Suuqa Caasimadda.

Guddiga ganacsatadan oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda ayaa Duqa caasimadda uga digay inuu goobihii ay ganacsaneeyee soo dejiyey cid aan iyaga ahayn isla markaana ay xaq u leeyihiin in iyaga loo qorsheeyo dhulka lagaga raray.

Waxa ugu horayn ka hadlay Maxamed Muxumed Xirsi oo ka mid ah Ganacsatada  ayaa cabasho ka muujiyey tallaabada ay dawladda hoose ku soo rarayso dadka aan hore ugu qanacsan jirin. Waxa sidoo kale uu dawlada Hoose u soo jeediyey in dadka sharci ku daganaa in sharcigii lagu siiyo waxaanu yidhi, “Dadkii suuqa hoose laga raray ayaa loo soo rarayaa, waxaan filayaa in xaafadu ay qaadikarin markaa ciddii danaynaysa iyo ciddii ay dani ugu jirto waxaan uga digayaa in halkaas hawl adag oo fool xumadeeda leh ay ka taagan tahay oo way arkayaan indhihii caafimaadqaba xaaladda ka socota meesha way arkayaan.

Maxamed Muxumed Xirsi waxa uu intaas ku daray,.”Waxaan leeyahay dadkaas masaakiinta ah iyo wixii sharci ku daganaa meeshoodii, intii sharciga ku daganayd waxa weeye in sharcigeedii lagu siiyo intii aan sharci ku daganayna xaafad ahaan wixii ganacsanaayey waa inay ka qayb galaan ganacsigoodii oo siddii hore ay hawsha u wataan ayaan ka codsanaynaa Dawlada Hoose.Sidaas ayuu yidhi Maxamed Muxumed Xirsi.

Waxa sidoo kale isaguna ka hadlay Axmed Cismaan Cumar, “Aniga oo ku hadlaaya Ururka xaafadda lix iyo labaatanka Jun, waxaan leeyahay wixii meesha ka dhacay way dhaceen dibna loo soo celimaayo, balse maanta maxaa ina horyaala maxastii iyo Carruurtii way daadsan tahay oo ilaa maanta meheradihii way daadsan yihiin,”ayuu yidhi. Sidoo kale waxa uu ka hadlay cidda lagala hadlaayo bixinta meesha waxaanu yidhi, “Anigu waxaan maanta leeyahay guddiga xaafadda ee ah Odayaasheeda intay isutagaan ha loo sameeyo guddi bixinteeda meeshan oo ka arrimiya hawsheeda. Kalmadii uu lahaa Mayir Jiciir ee ahayd dadbaan u soo rarayaa ee waxa kalifay ee maanta ay gadoodka ay qaadeen bulshadani, ha kaliftee oo hadduu doono ha soo raree wax khiimo leh maaha ee kuwee ayaa laga raray oo meeshii laga saaray sideebaa la isu wafijinayaa in qolona la saaro qolo kalena la keeno.”

Waxa iyaduna ka hadashay Nadiira Ismaaciil Maxamed oo ahayd danyartii Meheradaha laga burburiyey, “Meheradaha la burburiyey waxa ka xanuun badan maatada halkaas wadhan ee hantidoodii iyo hawgay galayeen iyo naftoodiiba loogu yimid. Ummaduna waxay had jeer ka dagaallantaa difaacidda nafta iyo maalka, annaka immika waxa noo eeg dowladdu waxaan umalaynayaa siday nagu waddo inaanu kacno oo naftayada  iyo maalkayaga difaacano mooyee wax noo qabta way naga dhammaatay inaan nafta iyo maalka difaacanno  kaliya ayaa noo hadhay. Dowladda Siilaanyo waxay nagu soo gashay oo aan habeen iyo maa
lin ugu soconay ee cagaha biyuhu naga galeen, is baddelbaanu keenaynaa, isbaddelkii laakiin wuxuu noqday in ay danyarta ka adkaato oo ay maatida ka adkaato hantidoodana burburiso,” ayey tidhi.

 somalilandpost.net

hargeysa,     Somaliland