MAANSO: Aqoon iyo tallo la’aan – W/C: Abwaan Maxamuud Gaani

maansoMaansadan oo uu curiyey Abwaan Maxamuud Gaani, waxa ay soo baxday horaantii 2014.

  1. Dhalinyahay tiraanyo oyga
  2. Tahriibka aafada dhibtiisa
  3. Wadaadaa kuu tiraabay.
  4. Baraha dugsigaa tilmaamay
  5. Aqoonyahanaa tibaaxay.
  6. Abwaanaa heeso tiriyey.
  7. Tixaha maansada ku sheegay.
  8. Tisqaad maansoo la tiriyo
  9. Midii tayo lagu amaanay
  10. Midii taashka u sareeysay
  11. Tusmiyo murti lagu daleeyey
  12. Annaa soo tebine dheego
  13. Adoo curad taabo galay ah,
  14. Walaal talo kaa sugaayo,
  15. Waalidku kugu soo tacaayi,
  16. Dalkuna taageeradaada,
  17. Taagtaada u ciilan yahay,
  18. In aad toobiyha qaado,
  19. Tubtaa subax kaga dhaqaaqdo,
  20. Ogow waa u tamar yaraane.
  21. Aqooon iyo tallo la’aane.
  22. Adoo nolol taama haysta,
  23. Adaan tabanaynin xaajo,
  24. In uu tuhun kuu hilaaco,
  25. Tahriib maankaaga geliso,
  26. ogow waa tamar yaraane
  27. aqoon iyo tallo la,aane,
  28. Adoo barahaa tilmaan,
  29. tacliin iyo cilmi ku siiyey.
  30. in saxaraha tiglayso,
  31. markay seed kasti is taagto,
  32. Tamuucda dhaqaaqi weydo,
  33. in aad tiicdoo ilmayso
  34. ogow waa tamaryaraane
  35. aqoon iyo tallo la,aane
  36. cadowgiyo turuqyo weynta
  37. cawaan tuulooyin jooga
  38. taakoba nimaan kula heleen,
  39. In uu tabco kugu maroorsho
  40. In uu toori kula haleelo,
  41. ogow waa tamar yaraane
  42. aqoon iyo tallo la,aane.
  43. Adoo xaragada la tiica
  44. xornimo tabcadoo shaqaysta
  45. Adoo tamashleeya suuqa,
  46. Halkaad doontidba tegaaya,
  47. sidii tuug xoolo boobay
  48. In uu taar kugu wareego,
  49. Tukiyo haad kugu dhawaaqo,
  50. ogow waa tamar yaraane
  51. aqoon iyo tallo la,aane.
  52. Todobaadadii ku dhaafay,
  53. Walaalahaagii tahriibay,
  54. Kuwii tamuucda isku aasay,
  55. Kuwii badaha isku tuuray,
  56. Ileen gaajo waa tu baase,
  57. Tagoogyada iska feentay,
  58. Tusaalii in aad ilowdo,
  59. Ogow waa tallo la,aane.
  60. aqoon iyo tamar yaraane
  61. afartaa tacab qasaar dheh
  62. awood iyo tallo la,aan dheh
  63. tilmaan iyo waanadeed dheh
  64. Ruuxii firxadee tahriibay,
  65. Ruuxii aanay tiisu goini,
  66. Markuu gudbay ee talaabay,
  67. Muxuu talyaanigu gumaystay.
  68. Tows iyo xanuuno taabtay,
  69. Tiraanyo iyo ciil ku taagan,
  70. Muxuu ka talaabsan waayey.
  71. Abti garabkiisa taagan,
  72. Markuu taageero waayey,
  73. Muxuu taahoo gunuusay.
  74. Nabarkii taranturo ku gaadhay,
  75. Muxuu teetano ku keenay.
  76. Gaal aan toobad keenin,
  77. Islaanimo aan tixgelinin,
  78. Muxuu taakulo ka doonay.
  79. Maxaa wiil qoray ku taagay,
  80. Gabadh yari qoritunlaysay,
  81. Maxaa oday taayiroobay,
  82. Ilaa timo dheertu cayday.
  83. Muxuu oohinta ku taamay.
  84. Ilmadu dhabanada tiflaysay,
  85. Muxuu tebay oo dareemay,
  86. Halkuu taladeeda seegay.
  87. Muxuu taaheed ku raagay,
  88. Dhibtaa ku timee asqaysay.
  89. Maxaa gaal taajir sheegtay,
  90. toolmoon hablahaa tahriibay
  91. tiriig u eg gabadh tisqaaday
  92. dheeman qurux lagu tusmaysto,
  93. jidhkeeda aan daqarba taaban ,
  94. Muxuu tacadiyo u geystay
  95. afartaa taah xanuun dheh
  96. tiraanyiyo ciil abwaan dheh
  97. tabaalaha way aduun dheh
  98. Samow taxanaha aduun
  99. Haddaad tamar cilmi u weydo
  100. Caqlaa lagu tawakalaaye
  101. Dhismaa noloshaada toosi.
  102. Baro tiirarka islaamka.
  103. Tacliin iyo aqoon iftiinleh.
  104. Tarbiyada iyo diinta suuban.
  105. towxiidka Alliyo quraanka
  106. Tayada dhul shisheeye taala
  107. Anigu tegimaayo kow dheh
  108. Tubtayda ku doorsanmaayo.
  109. Dhul aan tacabkaygu oolin
  110. Nincada wadankayga tuulan
  111. Weligayba tahriibi maayo.
  112. Takana ka dhaqaaqi maayo.
  113. Yurubta fog tiigsan maayo.
  114. Naftaydana toogan maayo.
  115. libaax isku tuurimaayo
  116. Tahriibkiyo dhibaatadiisa,
  117. Ruuxaan tegin baa ayaan leh.
  118. Ruuxii in uu tiisan joogo,
  119. Rabigiis uu ku tuugo,
  120. Samo tashadaa aqoon leh.
  121. Ruuxaa tegay ee tahriibay,
  122. tabaalaa qaba aduunka
  123. Ruuxii tebay baa abaalleh.
  124. afartaa taydii go,aan dheh
  125. samo u talis aayahay dheh
  126. tacliin iyo murti abwaan dheh
  127. Umaday tartan baa aduunka,
  128. Dadyoygu u tabaabushaystay.
  129. Waxaa yurub dabaq tiqraaran,
  130. Waxaa sidii buurta taagan,
  131. Aqoon baa taabo gelisay,
  132. inana waxaan taagan nahay ,
  133. Tubtii laga soo dhaqaaqay,
  134. Qarniyo laga soo talaabay.
  135. taxanaha maalmaa aduun
  136. taariikhda islaba rogaysa
  137. ragbaa cirka tamashle aaday.
  138. dayaxa toban toban u raacay
  139. dhul kale tegay oo awooday
  140. Waxaan taa uga socdaa
  141. talaabsay oo layna dhaafye
  142. Sidani waa tamar la,aane,
  143. in aan tashanaa haboone.
  144. Tahriib maal laguma yeesho.
  145. Tijaarnimo laguma gaadho.

 

Maxamuud Saleebaan X Ducaale (Maxamuud Gaani)

 

Tell: 0634621517

 

Email. Guulsame@gmail.com