Maamulka Universal Tv oo ku Gacan-saydhay raalligelin Wasiirka Warfaafintu ku xidhay Ruqsadda uu Telefishankiisu kaga hawlgalayo Somaliland

maamulaha-UniversalMuqdisho (SLpost)- Maamulka Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, ayaa cambaareeyay tallaabada ay Xukuumadda Somaliland ku xayirtay Xafiiskii uu telefishankiisu ku lahaa magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ku sheegay in Somaliland ay ruqsadda kala noqotay Telefishinka Universal qaybtiisa Somaliland, isaga oo ku eedeeyey inuu uu baahiyay Barnaamijka lagu aflagaadeynayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Gudoomiyaha Telefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal Eng. Axmed Abuukar, ayaa wuxuu cambaareeyay tallaabada ay Somaliland ku xidhay Xafiiskii TV-ga, waxaanu sheegay in Barnaamijka Faaliyaha Qaranka uu la xidhiidho xagga Majaajilada, isla-markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha Siyaasada.

Gudoomiyaha TV-ga Universal, ayaa waxa uu sheegay in barnaamijka Faaliyaha Qaranka, hore loogu soo qaatay Madaxda Somalida, isla-markaana ay u arkayeen oo qudha wax madadaalo uun ku eg.

Gudoomiyaha Universal TV oo la Weydiiyay inay Raaligelin ka siinayaan Xukuumada Somaliland Barnaamijkaa ay baahiyeen ee lagu Qoonsaday, waxa uu yidhi, “Ma Jirto Wax aanu ka raali gelinayno Waayo waxaanu u aragnaa in Somaliland ay diidayso Xoriyatul Qawlkii”.

Eng. Axmed Abuukar, ayaa dhinaca kale iska fogeeyay eedeymaha ku ugu jeedisay inay ay u adeegayaan Dowladda Somaliya iyaga oo uga abaal-celinaya dhul iyo xarumo Telefishankaasi ka samaystay Muqdisho oo dawladda Soomaaliya siisay.

SOMALILANDPOST.NET