Maamulka Togdheer Oo Iska Difaacay Eedo Uu Hore Ugu Jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolku

Burco, (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer ayaa dhinac isaga leexiyay eedaymo uu hore ugu soo jeediyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Togdheer, kaasi oo u eedeeyay in xafiiska badhasaabka iyo ku xigeenku uu noqday  meel lagu qaado dacwadaha.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer  Maxamed Diiriye Xayd, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi, waxaanu  ugu baaqay gudidda cadaaladda iyo guddoomiyaha maxkamadda sare in ay  u soo diraan guddi baadhiseed oo daba-gasha.

Maxamed Diiriye Xayd, waxa uu sheegay in arrinta uu guddoomiyaha maxkamadda Togdheer ku eedeeyay ay waxba kama jiraan yihiin, isla markaana aanay jirin meel uu wasiir ku xigeenka maaliyadu ku soo farro-geliyay , hase yeeshee  arrintaasi ay ahayd mid amniga la xidhiidhay sidaas darteedna ay iyagu ka maamul gobol ahaan fuliyeen.

“Waxaan ka jawaabayaa, hadallo eedayn ahaa oo uu  maalin dhawayd  guddoomiyaha maxkamadda goblku  u jeediyay maamulka gobolka badhasaabka iyo badhasaab ku xigeenka. Kaasi oo ahaa in aanu xafiiskii maamulka gobolka ka dhiganay  meel lagu qaado  kiisaska madaniga ah. Taasi oo aanan anigu hadda tafaasiil ka bixinaynin,  maadaama guddoomiyaha maxkamadu ka mid yahay hay’adaha na hoos yimaadda,  oo aanaan ka jawaabynin sidii uu u hadlay. Laakiin ah majac loo noqdo” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka Togdheer.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Kuwaasi oo uu u horeeyo guddoomiyaha maxkamadda sare, iyo gudidda cadaaladu ayuun baan codsi u jeedin lahaa, waxaanan ka codsanaynaa in uu guddi kormeerta arrintaasi guddoomiyaha maxkamadda gobolku ku hadlay  in ay noo soo diraan, si xaqiiqadda loo gaadho.  Oo sida uu masuulkaasi ku hadlay aanu noqono meel  dacwadihii maxkamadu  qaadi jirtay qaada iyo in aanu noqono  meel qaaday dawcado meesha yaalay oo nabadda waxyeelayay,  oo ay xaqiiqadda u ogaadaan si ay u ogaadaan wixii meesha yaalayba”.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer , waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin meel uu wasiir ku xigeenka maaliyadu ku soo farro-geliyay hawshaasi, isla markaana ay arrintaasi tahay mid been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxaan beeninayaa  in aanu wasiir ku xigeenka maaliyadda Cadaani soo farro-gashan  hawshaasi iyada ah, oo aanu aniga igala soo hadal, iyadoo weliba dadka qaar aniga igu eedaynayeen in  aan suuqa geliyay qoladii lacagta sheeganaysay in aan ku idhi wasiir cadaani ayaa soo farro-geliyay, taasi waa been cad, wasiir Cadaani ilama soo hadal, aniguna cidna  kumaan odhan wasiir Cadaani ayaa hawshiina soo farro-geliyay, taasina waxba kama jiraan. Cida hadalkaasi tidhina iyada ayay gaar u tahay, Wax alla wax naga khuseeyaana ma jirto, wax aanu gobol ahaan ka nidhina ma jirto”ayuu yidhi Maxamed Diiriye Xayd.

Somalilandpost.netguddoomiye ku-xigeenka togdheer