Maamulka Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways oo beeniyey War laga baahiyey

Maamulka Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways oo beeniyey War laga baahiyeyHargeysa (SLpost)- Maamulka shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa beeniyey warar lagu baahiyey warbaahinta dalka qaarkeed oo lagu sheegay in xafiiska shirkadda lagu sameeyo baasaboorka Soomaaliya oo xukuumadda Somaliland hore uga mamnuucday dalka.

Maamulaha Xafiiska Jubba Airways ee magaalada Hargeysa Khadar Maxamuud Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warka laga baahiyey, hawlaha ay qabato shirkaddooduna aanay khuseyn bixinta baasaboorrada balse ay ka ganacsadaan iibinta tigidhada lagu raaco diyaaradaha.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN