Maamulka Puntland oo Doortay Madaxweyne ku madaxweyne ku-xigeen Cusub

Hargeysa (SLpost)- Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa maanta doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen cusub.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Puntland halka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Deni_KaraashSaciid Cabdullaahi Deni ayaa helay helay 35 cod halka Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano uu helay 31 cod kaddib markii ay ku kala baxeen Wareeggii u dambeeyay ee saddexaad oo ay ku tartameen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka, guddiga doorashada ,musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaadhay ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .

Madaxweynaha cusub ayaa goobta markiiba lagu dhaariyay. 21 musharrax ayaa ku tartamay doorashada madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod, halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod.

Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Duulista hawada ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumaddii Cabdiweli Gaas.