Maamulka Maroodijeex oo ka warbixiyey Xaaladda Guud ee Gobolka iyo xidhiidhka dhexeeya hay’adaha Amniga

Hargeysa, 15 April, 2012 (SLpost)- Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex  ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Rashiid Axmed Maxamed ayaa maanta ka warbixiyey xaaladda degmooyinka Gobolka iyo xidhiidhka wada shaqayneed.

Gudoomiyahu waxuu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee Gobolku wanaagsan tahay isla markaana ay tahay mid Illaahay loogu mahadnaqo, halka sidoo kalena uu arrintaasi uga mahadceliyey gudiyada nabadgelyada, Ciidamada ammaanka iyo dadweynaha gobolka oo uu ku tilmaamay kuwo iyagu u taagan inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

Mudane Rashiid waxa uu sheegay in Gobolka iyo wasaaradda arimaha gudaha ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin , warbixinahana is dhaafsadaan 24 saacadoodba, “Maamulka gobolka iyo Wasaraddu Arrimaha Guduhu waxa u xidhiidhaan si toos ah annagoo 24 saacba macluumaadka is-dhaafsana, haddii aanay iman xaalad deg-deg ahi,” ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka.

Ku-simaha Gudoomiyaha gobolka oo ka hadlayey qaab dhismeedka gobolka iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee dhexdiisa ah ayaa  sheegay in gobolku ka kooban yahay 5 degmo oo gudaha ah iyo 6 dibada ah, xidhiidh wada shaqayneed oo wanaagsan ay la leeyihiin degmooyinka ka baxsan caasimadda marka loo eego degmooyinka caasimadda oo uu ka muuqdo waxoogaa gaabis ah.

Degmada Sabawanaag ee Gobolka Maroodijeex ayuu ku tilmaamay gudoomiyahu meel ay ka jirto xaalad abaareed oo sababtay barakac dadweyne oo ilaa hadda gaadhaya 700 qoys, isagoo jeediyey baaq uu ku codsanayo sidii dadkaa loo gacan qaban lahaa oo taageero loo gaadhsiin lahaa.

Somalilandpost News

Hargeysa, Somaliland