Maamulka Madaarka Hargeysa Oo U Bishaareeyay Dadweynaha Ku Xeeran Xayndaabka Madaarka

Hargeysa (SLpost) Maamulka Madaarka Caalamiga ah ee CIGAAL ee caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in ay u fidiyaan dadka deegaanka ku wareegsan madaarka adeegyo tabarucaad ah, maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo saaka kaga hadlay xafiiskiisa arrintaas, waxaanu yidhi:-

“ Qorshahan tabarucaadka ah ee aannu u fidinaynay ardaydan ama dadka deegaanka ee ku wareegsan Madaarka, waxa uu nagu dhashay ama aanu ka fikirnay, markii aannu xidhnay xayndaabka madaarka, xayndaabkaas oo dhan 13KM (Saddex iyo toban kiiloomitir) oo isku wareeg ah, markii aannu aragnay ardayda ama dadka deegaanku ay ku xidhan yihiin Masalaha Iskuulada ku yaala, ee aannu aragnay in ardaydaasi ka wareegaan dhul aad u kala fog oo ay ku noqotay dhib amaba habsan ay ka habsaamaan Iskuuladii iyo xiligii ay ka soo laabanayeen oo dhib ku noqotay, waxaanu ka fikirnay ka Wasaarad ahaan sidii aannu u caawin lahayn ardaydaas, oo aanu ugu soo diri lahayn Basas u fududeeya hawlahooda waxbarasho, ardaydaasi waxay ka soo jeedaan qoysas badan oo kala durugsan, waxaannu u samaynay meelo ay ku sugaan baska oo uu ugu tago kana soo qaado si uu u geeyo iskuukooda, isla Duhurkana uu soo rawixiyo marka ay ka soo baxaan Iskuulka oo uu geeyo xaafadahoodii,”
Maamulaha Madaarka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “taasi waxa ay keentay in xidhiidh fiicani na dhexmaro Dadka deegaanka, annaga oo aan marnaba ka maarmayn ka wasaarad ahaan iyo ka madaar ahaanba in aannu xidhiidh fiican la yeelano Dadka deegaanka ee madaarka ku wareegsan sababo badan awgood, xaga nabad galyada iyo xaga xidhitaanka madaarkaba, markii ay si fiican noogala shaqeeyeen gudiga deeganka masalahu, ayaannu annaguna jeclaysannay in aannu ku saacidno baskaas madaarka, markaa waxaan halkan ka qirayaa ka Wasaarad ahaan in Dadka Deegaanka xidhiidh aad iyo aad u dheeri naga dhaxeeyo,”
“Dadka jilicsan ee u baahan gargaarka waxaanu u sameynay Gaadhi xaajiyad ah oo wixii degdeg ugu soo kordha u qabata, marka ay nala soo xidhiidhaan oo taleefanadayada ayey hayaan, markaa meel aad u fiican ayuu maryaa xidhiidhkayagu, waanuna rajaynaynaa in uu halkaa ka sii kordho, anaguna aanu ku caawiyo wixii suuro gal ah” Ayuu yidhi maareeyaha madaarku.