Maamulka Jaamacadda Alpha oo Wasiirka Waxbarashada ku bogaadisay Wax-qabadkeeda

guddoomiye ku-xigeenka AlphaHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Alpha ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa Prof Cabdirisaaq X. Xuseen, ayaa ku bogaadiyey

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan horumar ballaadhan oo uu sheegay inay ku soo kordhisay Waxbrashada dadka.

Prof Cabdirisaaq X. Xuseen waxa uu sheegay inay waxbarashada dalku wakhtigan marayso heerkii ugu sarreeyey, taas ammaanteedana ay leedahay Wasiirka Waxbarashada oo uu tilmaamay inay dedaal u gashay sidii gobollada iyo degmooyinka dalka looga hirgelin lahaa goobo waxbarasho.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Alpha, waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu na soo gaadhsiiyey, kaas oo u qornaa sidan: “Sida laga warqabo waxbarashada ama tacliintu waa shay udub-dhexaad u ah horumarka bani’aadamka, iyadoo Ilaahay (SWT) Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay in aanay sinnayn dadka wax bartay ee aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran, waxaana fiican in la isku dhex wado waxbarashadda Diiniga ah iyo Tacliinta Maadiga ah.

Haddaba, dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka jra goobo kala duwan oo lagu barto tacliinta iyo aqoonta diiniga ah iyo waxbarashada maadiga ah oo isugu jira heerar hoose, dhexe, sare iyo ilaa heer jaamacadeed, arrintaas oo fure u noqon karta horumar dalka Somaliland gaadho, iyada oo lala kaashanayo aqoonyahanka kala duwan ee dalka gudhiisa iyo dibadiisaba wax ku bartay.

Muddadii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka haysay, waxa horumar la taaban karo ku tallaabsatay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay gadhwadeen ka tahay marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah wasiirrada ugu waxtarka iyo waxqabadka badan masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasadda iyo hawl-karnimada Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxa ay sababeen in horumar weyn laga sameeyo waxbarashada Somaliland, iyada oo degaan iyo tuulo kasta oo dalka gudihiisa ah dugsi ama goob waxbarasho laga hirgeliyey muddadii Samsam Cabdi Aadan haysay xilka Wasaaradda Waxbarashada, arrintaasna waxa tusaale u ah, safarkii weftiga madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan ku maray gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada oo dadweynaha ku nool degaannadii madaxweynuhu maray ay si xooggan uga mahad sheegteen wax-qabadka Wasiiradda Waxbarashada, amaantaas oo ay marwo Samsam Cabdi Aadan ku mutaysatay dugsiyada kala duwan ee ay ka hirgelisay degaannada dalka, si loo xoojiyo, sarena loogu qaado heerka aqooneed ee da’yarta Somaliland, miyi iyo magaalaba.

Waxa kale, oo marwo Samsam Cabdi Aadan gacan weyn ka gaysatay horumarinta tacliinta sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo jaamacaddo kala duwan ka furmeen gobolada waddanka, kuwaasoo bixiya tacliin iyo aqoon faa’iido u leh dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Somaliland, taasoo ah tallaabo iyo guul ay ku amaanantahay Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.”

SOMALILALANDPOST.NET