Maamulka Jaamacada Hargaysa Oo Ka Hadlay Fiiga Jaamacada Hargaysa Iyo Waxa Loogu Talagalay In Lagu Qabto

Hargaysa(SLPOST):-Maamulka Jaamacada Hargeysa Ayaa Warsaxafadeed Ka Soo Saaray Fii-Ga Ay Bixiyaan Semestarkii Ardaydu, Waxayna Maamulku Sheegen Inaanay Jirin Waxa Lacag Oo Wakhtigan La Kordhiyey, Balse Lacagtu Ay Tahay Tii Bilowga Semesterka.

images

Sidaasi Waxa Lagu Sheegay Warsaxafadeed Ka Soo Baxay Jaamacada Hargeysa Waxanu U Dhignaa Sidan.War Saxaafadeed:Maamulka Jaamacada Hargeysa Waxa Uu La Socodsiinaya Dhammaan Ardayada Labbaad, Waalidkoodaba Iyo Bulshadaba:In Lacagtii La Kordhiyey Bilawgii Semesterkan Aan Wax Isbedel Ahi Ku Iman Ayna Tahay Sidan Hoos Ku Qoran:

shax

In Maamulka Jaamacaddu Si Weyn Ugu Mahad Celinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Iyo Wasarada Waxbarashad Aiyo Tacliinta Sarre, Talaabadoodii Deeqsinimada Lahayd Ee Ay Ardaydaasi Kaga Bixiyeen Intii Lagu Kordhiyey Semesterkii Dhamaaday.

In Ay Ardaydu Bixiyaan Fii-Ga Oo Dhammaystiran.

Fee-Ga La Kordhiyey Waxa Uu Wax Ka Tari Doonaa Haddii Alla Yidhaa

1.In Ay Jaamacaddu Si Hagar La’aan Ah U Bixin Karto Kharashaadka Shaqo-Maalmeedka, Iyo Mushaharooyinka Shaqaalaha (Mamul Iyo Macalinba), Soo Jiidato Dadka Aqoonta Leh.

2. In La Tayeeyo Adeegyada Ardayga Logu Tallo  Sida :Kalaasyo Ku Filan, Kuraasi Munaasib Ah, Library, Lababka Science, Cumputerada, Projectorada, Iyo Garoomada Ciyaaraha

3. In Ay Kor U Qaaddo Daryeelka Shaqaalaha, Kobcinta Xirfaddooda,  Iyo Dayctirka Dhismayaasha Iyo Qalabka Jaamacadda.

4. In Jaamacaddu Ka Baxdo Dakhliga Ka Hooseeya Kharashka (Deficit)

5. In Kor Loo Qaaddo Bilicda Guud Ee Jaamacadda Sida: Dhiraynta, Waddeynta, Iyo Sameynta Goobaha Nasashada.

Allaha Mahad Leh.

Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed.

Guddomiye Ku-Xigeenka Akademiga Iyo Ardayda