Todobaadkii u damneeyay waxaa aad looga dareemayay magaalda Hargaysa khilaafka cakiran ee u dhaxeeya maamulka jaamacada Hargaysa iyo ardaydooda, taasi oo ka dhalatay go’aan maamulka ku gaadhay in fee da ay ardaydu bixiyaan la kordhiyo.
Balse ardayada ayaa ku qaabilay go’aankaasi oo aanay ku farxin kalana hor yimaadaan mucaaradad xoog le oo markii danbe keentay in xukuumadu soo dhex gasho khilaafka ka aloosan jaamacad Hargaysa oo ah jaamacada ugu balaadhan dalka.
Jaamacadan ayaa tan iyo markii la aasaasay lagu xantaa in dhinaca maamulka ay dhibaato xoog lihi ka jirto taasi oo aan la garanayn in ay maamulku masuul ka yihiin iyo in xukuumada ka danbayso, maamulkan illaa markii la furay lagu xamanayo mid maamulkeedu liito, marka laga reebo laba sano oo jaamacadu gashay isbadal xoog le oo ku dhacay ardayda iyo guud ahaanba jaamacada, iyadoo ahayd wakhtigii uu Xuseen Bulxan haystay kuna soo kordhiyay hormar balaadhan balse aan la garan.
Sidaasoo ay tahay maamulka jaamacadu waxay u daliishanayaan kordhinta lacagtani mid ku qotanta hagaajinta tayada waxbarshada, habaynta nidaamka, iyo in jaamacada laga saaro dhaqaalo xumo baahsan oo soo wajahday jaamacada, waxay intaasi ku dareen in ay jaamcadu wali tahay ta ugu jaban jaamacadaha dalka.
Geesta kale ardaydu ayaa iyaguna dhinacooga ku doodaya in marka laga yimaada dhibaatada baahsan ee ay qabaan sida: adeega ardaydu u baahan yihiin oo aad u liita xataa hadaad meel wax uga baahato garan maysid cid aad ku hagaagto iyadoo qofba qof kuu dhiibayo… tusaale ahaan waxaa adag in ay ardaydu helaan reference book ay week uun soo akhristaan iyadoo aan loo ogalayn in ay qaataan ama lagu odhanayo buugaagtani jaamacaday ku yar yihiin.
Hadaba mashaakilkaasoo dhan ka sokow kharashaadka ay ardaydu galaan ayaa kor u dhaafaya $200 calaa semester, bal tusaale ahaan kuliyada maamulka iyo maaraynta aardayga dhigta waxaa ku baxaya ka ugu yaraysata kharashakan
Semester fee | Copy of books | Break | Transportation | total |
$157.5 | $30(markay u yartahay) | $15 | $15 | 217.5 |
Xisaabtan yare e koobani waxay ku tusinaysaa ardayga ugu hoseeya kharashka ku baxaya laakiinse way ka badan kartaa inta badan lacagta baxdaa intan, sidaasoo ay tahay waxay aradaydu leeyihiiin nooma oga waxaasoo dhan iyadoon la ogayn meehs ay ka imanayso iyo sida ay ku timidba balse waxaa u muuqda tooda oo kaliye…bal adba ????
Isku soo wada duuboo dooda ardaydu waa mid looga qaateen ah oo aad u qurux badan in loo tix galiyo ama la daboolo dhamaan baahiyaha iyo dhhibaatooyinka jira ee ardaydu tabanayso iyadoo aan dhaafayn ardayda iyo maamulka jaamacada in ay kawada hadlaan oo iskaga dhow cid walba oo dibada ka soo fara galisa, balse waxaa ayaan daro ah meel ardayda iyo maamulkoodu ay is afgaran karaan in xaaldu halkaa gaadho…
Wabilahi tawfiiq
Mustafe Muxumed Cade
Hargaysa, Somaliland