Maamulka Guud iyo Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil oo Tacsi u diraya Ehelka iyo Qaraabada uu ka baxay Marxuum IBRAAHIM DHEERE

tacsiGuddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group (Maxamed Siciid Ducaale), Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group (Cabdirashid Maxamed Siciid), Dhammaan Maamulka Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Dhammaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil iyo Dhamman Wakiilladda Shirkadda Dahabshiil  waxa ay Tacsi u dirayaan Ehelkii, Qaraabadii iyo  Dhammaan Shacabka Djibouti, oo ay ka tacsiyadaynayaan Geerida ku Timid Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo Maanta  (12 November, 2015) ku geeryooday Dalka Djibouti, waxaanay ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo.