Maamulka gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo Hanjabaad iyo Digniin is-xambaarsan u jeediyey urur-siyaasadeedyada ku fashilmay inay soo baxaan

Hargeysa (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco ayaa ururrada siyaasadda ee dhawaan ku hadhay qiimaynta guddiga diiwaangelinta uga digay  inaanay ku dhaqaaqin tallaabo wax u dhimi karta Nabadgalyada Guud ee Qaranka.

Badhasaabka Gobolka Togdheer oo isaga oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo Maayarka Magaalada Burco oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada ayaa si cad u qaadacay inaan loo ogolaan doonin ururadii is diiwaangeliyay balse ku hadhay inay u gudbaan marxalada ka qayb galka tartanka doorashada golayaasha deegaanka ay abaabulaan banaan baxyo aanay wax sharci ah u haysan.

Duqa Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan “Dhego laab” ayaa iftiimiyay inay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah ururada siyaasada ee hadhay isla markaana carabka ku dhuftay Ururada Gurmad iyo Udhis ay doonayaan mudaharaad ay ka abaabulaan magaalada Burco,isagoo intaas ku daray inaan la ogolaan doonin isu soo bax aan wax ruqsad ama ogolaansho loo haysan.

Maayarka Magaalada Burco waxa uu u soo jeediyay ururadii lagu dhawaaqay inay ku hadheen ka qayb galka doorashada golayaasha deegaamada inay wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan ay kala xidhiidhaan dhinaca caasimada dalka ee hargaysa .

Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir ayaa sheegay inay maamul ahaan mas’uuliyadi ka saaran tahay wax kastoo taabanaya Xasiloonoda Gobolka waxaanu daboolka ka qaaday inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kastoo ku hadhay sida uu sheegay marxaladii ay ugu gudbi lahaayeen ka qayb galka doorashada Golayaasha deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu xusay inay maamul ahaan ka hortagi doonaan ururada damacsan inay sameeyaan banaan bax sharciga khilaafsan isla markaana ka hor imanaya maslaxada iyo nabad galyada guud ee qaranka waxa uu Gudoomiyuhu ku booriyay bulshada ku nool magaalada Burco inay dhegaha ka furaystaan dhawaaqyada ka soo hor jeeda degenaanshaha Gobolka ee  uga imanaya sida uu sheegay Siyaasiyiin gaadhi kari waayay halkii ay higsanayeen.

SLpost News