Maamulka Gobolka Maroodijeex Oo Bulshadda Ugu Baaqay Diyaar-garawga Xuska 18-ka May

Hargaysa (SLpost): Maamulka  gobolka Maroodi Jeex ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan guud ahaanba gobolkaasi  in ay si weyn ugu diyaar garoobaan xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee  18 May ee fooda inagu soo haysa.badhasaab ku-xigeen

Badhasaab  ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed Maxamed,  oo shalay  kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha  degmooyinka  gobolka  iyo  cuqaasha  gobolka Maroodi Jeex   ayaa dhinacyadaasi waxa  uu  kala hadleen sidii ay dhinacooda qayb weyn uga qaadan lahaayeen  xuska 18 May, isla markaana ay  si nabadgelyo ah  ugu qabsoomi lahayd.

Rashiid Axmed Maxamed,   guddoomiye  ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex oo kulankaasi hadal ka jeediyay  ayaa  u soo jeediyay  guddoomiyeyaasha  degmoyinka gobolka   inay si weyn u  xusaan munaasibadda  18 May, isagoo   tilmaamay in ay tahay  maalintii dhidibada loo taagay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu  yidhi “Munaasibaddan aynu iskugu nimid waxa ay daaran tahay xuska 18 May oo ah maalintii aynu la soo noqonay xoriyadeenii fool halawday oo aynu xusno 18 bisha May sannad kasta,  ayaynu maantana u diyaar garoobaynaa haddii ay heer qaran tahay iyo haddii ay  heer gobol tahay iyo haddii ay heer degmo tahay iyo guud ahaanba  umadda Somaliland ee qurbaha  iyo kuwa gudaha wadanka  ku nool waxay  ku jiraan diyaar garowga xuska 18 May”

Sidoo  kale guddoomiye  ku  xigeenka gobolka Maroodi Jeex ayaa  u soo jeediyay dadweynaha ku dhaqan gobolka inay u diyaar garoobaan xuska maalinta  18 May.   “Haddii aad guddoomiyeyaasha degmooyinka tihiin iyo cuqaashii gobolka Maroodi Jeex, waxa aanu idin faraynaa in aydun u diyaar garowdaan xuska 18 May, nabadgelyadana ka shaqaysaan.  waxa aan leeyahay umadda ku nool gobolka Maroodi Jeex haday odayaal tahay, dhallinyaro, culimada, haween iyo haday tahay ururada bulshadda waa in aynu u diyaar garownaa  xuska 18 May” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka maroodijeex.

Dhinaca kale guddoomiyeyaasha  degmooyinka  gobolka  Maroodi Jeex iyo cuqaashii kulankaasi ka qayb galay  oo iyagna halkaasi  hadalo ka jeediyay  ayaa waxay  balanqaadeen inay xil  iska saari doonaan sida ugu haboon ee ay u xusi lahaayeen xuska 18 May, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii ay   si nabadgelyo ah ay ugu qabsoomi lahayd xuska 18 May.

Somalilandpost.net