Maamulka Gobolka Hawd, Taliyeyaasha qaybta Booliska, Laanta Socdaalka iyo Qaybaha Bulshada ee gobolka oo xukuumadda ku taageeray qaadacaadda Wada-hadallada Soomaaliya

Balli-gubadle (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure oo ay weheliyaan maayarka magaalada Bali-gubadle Ibraahin Colaad Jaamac, Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamud Xarbi iyo taliyayaasha booliska iyo waaxda socdaalka oo galabta kulan la qaatay qaybaha bulshada ee gobolka hawd ayaa ku taageeray go’aamadii qaadacaada ka qayb galka Shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia iyo natiijadii kala shaandhaynta ururada siyaasada .

Maamulka gobolka Hawd iyo qaybaha bulshada ee kulankaas ka qayb galay waxay si buuxda isugu raaceen inay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” ay ku taageersan yihiin go’aankii ay ku qaadacday wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia ilaa Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia gudida farsamo ee uu magacaabay uu dibada uga saarayo Shakhsiyaadka dhalasho iyo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland .

Sidoo kale bulshada ku nool gobolka Hawd ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dhawaan gudida diiwaangelintu ku kala reebeen 15 urur siyaasadeed ee is diiwaangeliyay isla markaana ay lix ka mid ahi u gudbeen ka qayb qaadashada tartanka doorashada golayaasha deegaanka.

Dhinaca kale Maayarka degmada Bali gubadle ayaa sheegay in raxmaadkii Gu’gu ay si fiican uga da’een deegaamada kala duwan ee gobolkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net