Maamulka Gobolka Daad-madheedh oo Gacanta ku Dhigay Gacan ku-dhiigle xalay Dil ka Geystay degmada Oodweyne

Oodweyne (SLpost)- Maamulka gobolka Daad-madheedh, ayaa gacanta ku soo dhigay Gacan-ku-dhiigle xalay dil ugu geystay deegaan Afar KM dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan Oodweyne Marxuum magaciisa la odhan jiray Xasan Jaamac oo da’diisu lagu sheegay 50-jir.

oodweyne hospitalGacan-dhiiglaha dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Khadar Maxamed Warsame oo 24-jir ah, ayaa Habeen hore saqdii Dhexe Marxuumka dilka ugu geystay Deegaanka Qar-gibil oo u dhexeeya magaalooyinka Oodweyne iyo Burco, kaas oo sida la sheegay dilkiisa u adeegsaday Qori uu sitay, isaga oo isla markiiba ka baxsaday goobta uu dilka ka geystay oo markii dambe ay gaadheen Maamulka gobolka iyo taliska booliska qaybta ee gobolka Daad-madheedh iyo Taliyaha Sadlhigga booliska Oodweyne.

Marxuumka ayaa isaga oo dhaawac loo qaaday dhinaca magaalada Burco, haseyeeshee markii dambe cusbitaalka Guud ee Burco ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu dhagar-qabuhu ku furay marxuumka. waxaana sida la sheegay dhexmaray muran muran la xidhiidha Madaha laba Beerood oo ay kala lahaayeen oo isku xiga.

Xog-hayaha gobolka Daad-madheedh Cabdisalaan Maxamed Jaamac oo caawa khadka telefonka noogu warramay  isaga oo ku sugan degmada Oodweyne, ayaa sheegay inay maamulka gobolka oo kaashanaya ciidanka Booliska ee gobolka ay gacan-ku-dhiiglaha dilka geystay ku soo qabteen deegaanka  Balli-Oday oo dhinaca Hawdka kaga beeganka degmada Oodweyne, ka dib markii ay raacdadiisu ku daba-jireen muddo toban saacadood ah.

Xoghaye Cabdisalaan oo faahfaahinaya qaabka ay uga hawl-galeen falkaas dilka ah ee gobolka ka dhacay, waxa uu yidhi, “Markii uu na soo gaadhay warka Dilku, waxa ku baxay Aniga, Taliyaha Qaybta booliska, Taliyaha Saldhigga iyo Ciidankii oo dhan, markii dambena waxa naga daba yimi Badhasaabka gobolka, Isu-duwayaasha gobolka iyo dad badan oo eheliyaddii ninka la dilay ah.”

“Markii aanu meesha gaadhney, ninkii oo dhaawac ah ayaanu u tagnay, isaga oo dhaawac ah ayaanu keenay Oodweyne, markii dambena waxa loo qaaday Burco, Marxuumku wuxuu ku geeriyooday Burco, ayuu yidhi Xoghayuhu, isaga oo intaas ku daray, “Annaga oo isugu jirna Maamulka gobolka iyo Booliska ayaanu bilownay raacdo iyo sidii aanu u baadi-goobi lahayn ninkii dilka geystay. Nasiib-wanaag, maanta abbaaro 2-dii Duhurnimo ayaanu gacanta ku soo dhignay gacan-ku-dhiiglihii, waxaananu ka soo qabannay meel hawd-ka ka xigta Oodweyne oo la yidhaahdo Balli-Oday, isaga oo meel keyn ah Jiifsaday.”

Cabdisalaan waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Ninkii wuxuu immika ku xidhan yahay saldhigga magaalada Oodweyne oo ciidanka booliska ayuu gacantooda ku jiraa.”

Mar aanu weydiinnay sababta keentay khilaafka dhegar-qabaha iyo Marxuumka iyo haddii dilkani la xidhiidho dilal hore oo dhowaan gobolka ka dhacay, waxa uu yidhi, “Murankoodu wuxuu ka bilaabmay Beero ay isku haystaan, laakiin may ahayn Xaalad immika taagnayd oo aanu ka war-haynay. Ninka wax dilay 24-jir, ninka la dilayna waa 50-jir. Ninka dilka geystay, ayaa la sheegay inuu ku haystay Marxuumka beerta, waxaanu lahaa Aabbahaybaa beerta nooga dhintay ee ka guur, sida la sheegayeyna waa laba beerood oo isku xiga ayey kala lahaayeen, markaa wuxuu  leeyahay inbuu naga soo galay ninka dhintay, laakiin arrin annaga maamul ahaan cabashadiisu na soo gaadhay muu ahayn iyo dacwad uu ninka wax dilay keenay, laakiin markii dambe ee dilku dhacay ayaanu waxan maqalnay, mana jirto, wax xidhiidh ah oo dilkani ku leeyahay xaaladdii ka taagnayd deegaanka.”
Dhacdadan dilka ah ee habeen hore ka dhacday gobolka Daad-madheedh, ayaa noqonaya markii labaad muddo bil-gudaheed ah ee dil noocan ahi ka dhaco, waxaana hore dil loogu geystay deegaan ka tirsan gobolkaas Taliyihii Saldhigga booliska degmada Xaaji Saalax, kaas oo markii dambe dedaal badan oo madax-dhaqameedka ninka dilka geystay iyo maamulka gobolka ay sameeyeen ka dib lagu guulaystay in ciidanka ammaanka loo soo gacan-geliyo gacan-dhiiglaha oo qabashadiisa ay iska kaashadeen ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa Dawladda Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET