Maamulka Dugsiga Sare ee QUULE AADAN oo Madaxweyne Siilaanyo ku Bogaadiyey Kulankii uu Maanta la Qaatay Ardayda Jaamacadaha

Hargeysa (SLpost)- Maamulaha Dugsiga sare ee Muj.Quule Aadan Dool Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la kulankii uu kula kulmay ardeyda Jaamacadaha ka kala socotey,isla markaana ku tilmaamay inuu ahaa fursad dahabiya oo taariikhda markii ugu horeysay siiyey da’adayrta jaamacadaha wax ka barata.

Ab“Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la kulankii uu maanta la la kulmay ardeydii shanta  Jaamacadood ka kala socotey ee  Hargeysa, Kulankanina wuxuu noqonayaa fursad dahabiya oo taariikhda markii ugu horeysay Madaxweyne Somaliland ahi siiyo da’ayarta jaamacadaha wax ka barata.

Kulankan oo ay u-jeedadiisu ahayd xog-waran uu Madaxweynuhu ka siiyey aqoonyahanka da’ayarta ah  xaalada guud ee dalka. Arrintan ayaa noqonaysa al-baab cusub oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u furtey da’ayarta, taas oo u noqonaysa dhiirigelin iyo yididiilo hor leh oo muujinaysa in hogaankii dalka ugu sareeyey uu qadarin iyo ixtiraam u hayo da’ayarta aqoonyahanka ah ee dalka.

Arrintani waxay furre u tahay aaminaad ay da’ayartu aaminto dalkooda, madaxdooda, dawladooda, isla markaana ku ogaadeen kaalinta lama huraanka ah ee ay kaga jiraan bulshada.

Waxaan mar kale, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee  Somaliland Marwo Samasam Cabdi Aadan oo ah laf-dhabarta isku xidha hogaanka dalka ugu sareeya iyo bah-weynta waxbarashada,taas oo suuragelisaykulankan taariikhiga ah iyo mid hore oo ardeyda dugsiyada sare ku booqdeen  ka madaxtooyada.

Ka maamule ahaan waxay arrintani ii muujisay in Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisuba ay qadarin iyo ahmiyadba u hayaan da’ayarta dalka, isla markaana ay barbaarinayaan hogaamiyayaashi berri.

Ugu danbeyntiina waxaan ku talinayaa xukuumadda inay joogteyso kulamada noocan oo kale ah, ardeyduna il-mug leh ku eegto kaalinta ay bulshada kaga jiraan.”

SOMALILANDPOST.NET