Guddoomiyaha iyo isu-duwayaasha Wasaaradaha Gobolka Maroodi-jeex oo kulan ka yeeshay Xaaladda gobolka kana warramay Natiijada Kormeer ay ugu kuur-galeen Abaarta ka jirta

Hargeysa, 08 April, 2012 (SLpost)- Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Maroodijeex iyo isu duwayaasha wasaaradaha ee gobolka Maroodijeex ayaa maanta ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ku saabsanaa is xog waraysi ku aadan xaaladaha degmooyinka, iyadoo ay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo isuduwayaashu mid mid uga xog warameen xaaladaha dhabta ah ee ka jira degmooyinkooda, waxaanay Gudoomiyayaashu isla qaateen in gobolka ay ka jirto xaalad abaareed iyo xaalufin ba’an oo lagu hayo deegaanka.

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ahna gudoomiye ku xigeenka Rashiid Axmed Maxamed oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay isku duubnidu u leedahay bani’aadamka ahmiyad balaadhan, mas’uuliyiinta Degmooyinka iyo Gobolka Maroodijeex-na looga baahan yahay inay mideyaan maskaxdooda, caqligooda iyo cududooda, kulanka maantuna uu yahay mid lagu go’aansaday in bishiiba mar uu dhaco kulan noocan oo kale ah.

Mudane Rashiid oo ka waramayey kormeer ay mas’uuliyiinta gobolku ku soo mareen  degmooyinka ayaa  sheegay inay soo arkeen xaalada dadka iyo xoolaha ee degmooyinka Gobolka, ayna warbixin rasmi ah ka soo sameeyeen.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo isu duwayaasha gobolka Maroodijeex oo uu weheliyo maamulka heer Gobol tan iyo itii uu xilka Gudoomiyaha Gobolka si ku meel gaadh ah u qabtay Mudane Rashiid Axmed Maxamed ayaa waxaa laga soo saaray labo qodob oo baaq Qaylo dhalaan ah oo kala ah: Xaalufinta deegaanka lagu hayo iyo abaarta isa soo taraysa ee gobolka ka jirta.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland