Maamulka Abaarso Tech oo martiqaad u fidiyey waxgaradka iyo culimada Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Maamulka Abaarso-Tech ayaa cadeeyey in deeq-waxbarasho dibedeed ku kacaysa ilaa shan boqol oo kun Dollar u soo heleen qaar ka mid ah ardayda wax ka dhigta, isla markaana dhaliilo u soo jeediyey dad isku-daya inay dacaayado ka faafiyaan iskuulkaa.

Maamulaha Abaarso Tech,  Jonathan Starr, ayaa sheegay inay martiqaad Qado u fidiyeen culimada diinta Somaliland iyo waxgaradka, si loo arko xaalada waxbarasho iyo akhlaaq diimeed ee ardayda, salaasada soo socota. Qoraal saxaafada loogu talo-galay oo maamulka Abaarso Tech, soo saaray ayaa lagu sheegay:

Abaarso Tech“Abaarso Tech Waxa ay U Diraysaa Culimada iyo waxgaradka Somaliland Martiqaad Qado Si Loo Wada Arko Xaalada Diiniyeed ee Iskuulka  Lana Wada Tashado. Abaarso Tech waa iskuul ku salaysan diinta Islaamka oo ku yaalaSomaliland.  Iskuulku wuxuu horumar aad u weyn gaadhay wakhtigii yaraa ee u asaasnaa. Horumarkan waxa ka mid ah scholar-ship dibada ah oo gaadha $500,000 oo ay heleen arday ka mid ah iskuulku.

Horumarkaa awgeed, waxa soo baxay dad u nool xaasidka iskuulka oo isku daya inay sumcada iskuulka ka dilaan. Dadkan sumcada iskuulka xumaynayaa waxa ay ku hadlaan wax yaalo aan jirin oo aan cadayn laheyn. Dadkan waxa xumaanta ugu wacan oo ay rajeynayaan inay bulshada reerka Somaliland ka soo hor jeediyaan Abaarso Tech sababta oo ah waxa iskuulka maamula dad ajnabi ah oo aan Muslim ahayn.  Run ahaantii, Abaarso Tech waxay ka mid tahay iskuulada ugu ad adag marka loo eego shuruucda diiniyeed.  Fadlan qodobadan muhiimka ah nala eeg:

  • Abaarso Tech waxa ku yaala masaajid weyn oo aad u qurux badan.
  • Jadwalka iskuulkuna wuxuu leeyahay xiliyo u cayiman salaadaha.
  • Ardayda Abaarso Tech waxa ay leeyihiin xisado ah Tarbiya Islaamiya oo uu u dhigo imaamka tuulada Abaarso leedahay.
  • Hablaha dhigta iskuulka waxa ay ku khasban yihiin inay had iyo jeer xijaabka xidhaan oo ay isku asturaan sida ay diinta Islaamku ku farayso.  Xataa macalimiinta dumarka ah ee ajnabiga ah ayaa iyaguna is-astura oo xijaab xidha.
  • Macalin kasta oo Abaarso Tech wax ka dhigaa waxa ay saxeexaan heshiis ay ku aqbalayaan inay ixtiraami doonaan dhaqanka iyo diinta wadanka. Macalinka ku dhaqmi waaya heshiiska ay saxeexeen talaabo adag ayaa laga qaadaa, iskuulkana waa laga eryaa.
  • Dhawaan maamulka Abaarso Tech waxay soo dajiyeen shuruuc kala xijaabaysa habalaha iyo inamada iskuulka. Ardaygii ku dhaqmi waaya shuruucdan waxa ay waajahaan ciqaabo ay ka mid tahay in iskuulka laga eryo.
  •  Waxa kale oo uu iskuulku leeyahay shuruuc ku waa jahan qishka. Abaarso Tech ardaydu waxa ay ka bartaan wanaaga daacad nimada iyo karaamada ay leedahay runtu.

Ugu danbayn, Qof kastoo raba inuu waxa ka ogaado iskuulka dhaqankiisa iyo diintiisa waxaanu ku dhiirigalinaynaa inay soo booqdaan iskuulka si ay indhahooda ugu arkaan iyagu markaana ay go’aan ka gadhaan. Bisha  December 18keeda 2012 oo ku beegan maalin Salaasa ah 11:30 aroornimo Abaarso Tech waxay martiqaad qado u diraysaa culimada bulshada. Waxaanu maamulka iskuulku diyaar u yahay inuu macluumaad iskuulka ka siiyo oo ayna ka wada hadlaan sidii loo wanaajin lahaa dhaqanka iyo diinta iskuulka.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net