Maamul-goboleedka Puntland oo sheegay inaanu jirin wada-hadal Dhexmaray Madaxweynahooda iyo Wasiirro Somaliland ah

Garowe (SLpost)- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegay inaanay jirin wax wada hadal oo dawladda Somaliland ku dhex-maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanay waxba kama ku jiraan ku tilmaameen hadal dhawaan wasiirro xukuumadda Somaliland ka tirsan ku sheegeen inay magaalada Addis Ababa kula kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

cabdiweli gaasWasiirada Arrimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Warancade oo dhowaan ka soo laabtay socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay magaalada Addis Ababa kula kulmeen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana ay ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha nabad-ku-wada noolaanshaha shacabka deriska ah ee isla markaana ay iska kaashadaan adkeynta dhinaca amniga.

Wasiirka Waxbarashada maamul-goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa wefti Madaxweynaha Puntland u raacey dalka Itoobiya, ayaa sheegay inaanay wax kulan ah oo arrimo siyaasadeed lagaga hadlay la yeelan weftiga Somaliland.

“Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase ogi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland,” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Puntland oo maanta la hadlayey warbaahinta maxalliga ah.

Sida ka muuuqata hadalka wasiirka Puntland, meesha kama madhna kulan dhexmaray labada wefti, balse waxa la dareemi karaa inuu maamulkaasi oo markii hore aqbalay marti-qaadka dawladda Itoobiya, inuu ka maagayo shaacinta inay kulmeen madaxweynaha Puntland iyo Wasiirrada Somaliland oo magac ahaan kala meeqaam sarreeya.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo la xidhiidha safarrada labada wefti ku tageen dalka Itoobiya, ayaa ka dambeeyey marti-qaad dawladdaasi u fidisay labadooda, iyada oo dhinacyada kala hadashay ilaalinta xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshaha labada shacab.

 

SOMALILANDPOST.NET