Maamul Goboleedka Puntland oo Miciinsaday weerar Af-ka ah Oo Uu ku soo qaaday Somaliland

Garoowe(SLPOST) Maanul goboleedka  Puntland ayaa sheegtay inay ka feejigan yihiin weeraro kaga yimaada dhanka kooxda Alshabab ka dib socdaal uu madaxwaynaha Puntland shalay ku tagay goobaha ciidanka daraawiishtu kaga sugan yihiin Galgala.

z--gaas

Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore oo shalay la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay ammaanka Puntland inuu yahay mid wanaagsan balse kooxda Alshabab ay taageero iyo soo dhawayn ka hesho mamulka Somaliland.

 

Waxa uu sheegay inay labadaasi mataano yihiin oo ay Alshabab dhanka Sanaag kasoo galeen dhinaca Somaliland uu gacanta ku hayo wuxuna tilmaamay Puntland inay arintaasi la socoto.

”Badhan annigu ma hayno Somaliland inay soo gaadhay, waxanu haynaa inay ku sugan yihiin Ceerigaabo iyo aageeda, halkaasi waxaa mara badi alshabaabka ka imaanaya Koonfur waana la socotaan Shabaab Puntland inay leeyihiin Colaad soo jireen ah, balse Somaliland way soo dhex maraan oo waxaaba ka dhaxeeya xeer ah ha i daarin ku daari maayee” Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay inaan la isku hayn in Somalilnad ay garab iyo gaashaan siiso Alshabaab.

Socdaalkii Siilaanyo ee Laasqoray ayuu ku tilmaamay inuu ahaa mid dhuumasho ah oo aan cago badan ku taagnayn”Hadduu dan ka lee yahay wuu siijoogi lahaa mudo nusaac ah ayuu joogay marka maxaa balan qaadka ah dadka joogana waa dad Puntland ah”.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalinkii shalay magalada Bosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay Somalilaad inay maal-galiso ururka Alshabaab si ay dagaalo iyo dhibaato uga fuliso Puntland.

Hadalada ka soo yeedhaya masuuliyiinta Puntland ayaa u muuqda kuwo Samir tag waa ah kadib markii ay Milatari ahaan u babac dhigi kari waayeen isla markaana ay awoodi kari waayeen sidii Madaxweyne Siilaanyo u tax-taxaashay Laasqoray in ay ku soo dhacaan, iyadoo Somaliland tustay awood la’aantooda.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/office/Somaliland