Maamul-goboleedka Puntland oo Digniin iyo Han-jabaad u jeediyey Somaliland!

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Puntland, ayaa Xukuumadda Somaliland uga digay in Sanaadiiqda Cobixinta la geeyo deegaannada Bariga Gobolka Sanaag iyo Sool oo ka tirsan Somaliland balse maamulkaasi sheegto inay deegaannadasi iyaga oo hoos yimaaddaan.

Shir-jaraa’id oo magaalada Garoowe ay maanta wad-jir u qabteen wasiirro ka tirsan maamulkaas, waxay ku sheegeen inaanay aqbali doonin isla markaana tallaabo ay kaga hortagaan qaadi doonaan haddii sanaadiiqda codbixinta la geeyo Deegaamada Bariga Sanaag iyo Sool.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN.

Waxa Xusid in Deegaamada Bariga gobolka Sanaag iyo Sool ay si nabad-gelyo uga qabsoomeen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo muddo laba todobaad ah ka socotay, in kasta oo ay hanjabaaddo noocan ah oo ay ku diiddanaayeen diiwaangelin hore uga soo yeedheen maamulkaas.

Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa xilli kasta oo loo diyaar-garoobayo doorashooyin ka qabsooma Somaliland, waxa ay ku hanjabaan inaan doorashooyin lagu qaban karin deegaannada Bariga Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan Somaliland balse maamulkaasi u sheegto inay hayb ahaan wadaagaan shacabka ku dhaqan.