Maamul-goboleedka Puntland oo Dalka Kuweyt la saxeexatay heshiiska mashruuc gudaha Somaliland laga hirgelinayo oo Afar Milyan oo Doollar ku baxayso

Dubia (SLpost)- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa shaaca ka qaaday heshiis ay wada saxeexdeen dawladda Kuite, heshiiskaas oo lagu dhisayo Jaamacadda Maakhir uu magaalada Badhan ee gudaha Somaliland ku taalla, waxaana lagu sheegay qoraal Wasaaradda Maaliyadda Puntland soo saartay in dhismaha Jaamacaddaas ay ku bixi doonto lacag dhan Afar Milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Hase-yeeshee, Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay suurta-galnimada dhismaha Jaamacaddaas ee Maamulka Puntland heshiiska kula galay Kuweyt.

51Magaalada Dubai ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayay shalay ku kala saxiixdeen heshiis Dowladda Kuweyt iyo Maamul-goboleedka Puntland, kaasoo la xidhiidha dhisitaanka garoonka diyaaradaha ee  magaalada Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan. Heshiiskaas waxaa goob-joog ka ahaa oo u saxeexay Puntland Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax  iyadoo dhanka Kuweyt-na ay Saxeexday Shirkadda qandaraaska  dhismaha qaadatay  ee Marco ee uu hoggaaminayey Sarkaal lagu magacaabo Nabiil.

Waxaana sidoo kale halkaasi goob-joog ka ahaa Xidhiidhiyaha Kuweyt iyo Puntland Faysal Xawar iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde). Faysal Xawar oo halkaas khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in heshiiskaas iyo Saxeexani uu laf-dhabar u yahay dhisitaanka labadaas goobood. Faysal waxa uu sheegay in dhaqaale ahaan garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ay ku bixi doonto lacag gaadheysa 6-milyan oo Doollar, halka Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhanna uu sheegay inay ku bixi doonto 4 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi oo isna hadal ka jeediyey madasha heshiiskaas lagu saxeexay, ayaa sheegay in heshiiskaas uu aad usoo dhaweynayo mashruuca ay dowladda Kuweyt ugu deeqday Puntland, waxaanu xusay in si wanaagsan loo qaban doono labadaas mashruuc oo uu ku tilmamay kuwo wax tar wayn leh.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr. Shire Xaaji Faarax oo qalinka ku duugay heshiiska, ayaa sheegay in labada mashuuc ay muhiim wayn ugu fadhiyaan Maamulka iyo Shacabka Puntland, gaar ahaan waxa uu sheegay in looga faaii’daysan doono dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Sarkaalka Shirkadda Qandaraaska dhismayaasha labadaas Mashruuc qaadatay ee Marco u hadlay oo lagu magacaabo Nabiil, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo heshiiskaas oo uu xusay inay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana waxa uu ballan-qaaday inay si dhaqso ah u bilaabayaan hirgelinta labadaas Mashruuc iyo dhismayaasha Jaamacadda Badhan iyo Garoonka diyaaradaha Garoowe.

Haddaba, Jaamacadda Maakhir ee warkan lagu sheegay in lagu dhisi doono lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doollar, ayaan ku oollin gudaha gobollada uu Maamul-goboleedka Puntland ka taliyo, hase-yeeshee, waxay ku taallaa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan ee Bariga gobolka Sanaag ee waddanka Somaliland, sidaa awgeed, waxaa la is-weydiin karaa siday suuragal u tahay inay magaalo Somaliland ku taalla oo aanay Puntland maamul ahaan gacanta ku haynin ugu dhisi kartaa mashruuc dhaqaale sidaas u badani ku baxayo? Somaliland-se siday u aragtaa arrintaas? Kuwaas iyo su’aalo kale ayaa ku xeeran qorshaha warkani shaaciyey.

Si aynu haddaba jawaabo ugu helno su’aalahaa qaarkood, Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo waxa uu Taleefanka ku waraystay xalay Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud oo ku sugan magaalada Badhan, kaasoo uu wax ka weydiiyey waxay kala socdaan heshiiska Jaamacadda Badhan ay Puntland sheegtay inay ku dhisayso ee ay la gashay Kuite iyo waxay ka yeelayaan maaddaama oo ay Somaliland iyo Puntland laba dal oo kala duwan yihiin.

“Jaamacadda Badhani way shaqaysaa way furan tahay waanay dhisan tahay, Badhanina Puntland ugama baahna Jaamacad, heshiiskaasina annaga nama khuseeyo. Waxaanan leeyahay Jaamacadda ay Puntland leedahay waxaannu ka dhisaynaa Badhan Garoowe ka dhista.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Xukuumadda Somaliland Masuulka uga ah Maamulka gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud.

Guddoomiye Cabdixakiin waxa uu sheegay inay dhisan tahay Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan oo ay Somaliland dhistay, isla markaana la dhigto, waxaanu yidhi; “Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan ku taalla hadda waa la dhigtaa waxaa dhistay Somaliland iyo dadka deegaanka u dhashay hadday kuwo dibedda jooga yihiin iyo hadday gudaha joogaanba. Wasaaradda Waxbarashada Somaliland bay hoostagtaa, Manhajka lagu dhigtaa waa Manhanka Tacliinta sare ee Somaliland. Markaa, Badhani waa Somaliland, Somaliland-na dalkeeda iyadaa dhisanaysa ee Puntland dhisme ugama baahna.”

Badhasaabka gobolka Badhan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey oo yidhi; “Sidii uu Madaxweynaha Somaliland Laasqoray u yimina adeer way is-beddeshay siyaasaddii hore ee is-dhex-socodka ahayd, sidaa awgeed-na Puntland iyo Somaliland xad bay leeyihiin, xadkaas Puntland kama soo tallaabi karto, hadday ka soo tallawdana iyadaa dammaanad-qaadaysa waxa dhaca. Markaa, waxaan leeyahay Puntland wax innaga dhexeeya oo aan xad ahayni ma jiro iyo darisnimo ee darisnimada ilaaliya.”

Guddoomiyaha gobolka Badhan oo la weydiiyey in Lacagta uu Wasiirka Maaliyadda Puntland ku saxeexay magaalada Kuite ee uu dhigayo in Afar Milyan oo Doollar lagu dhiso Jaamacadda Badhan, Lacagtaasina ay tahay lacag badan oo deegaanka laftiisu u baahan yahay, haddiiba ay Puntland ula timaaddo inay Jaamacad labaad ku dhisaan Lacagtaas inay ku diidayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Haa, waannu ku diidaynaa. Waayo? Waa run afar Milyan waa lacag badan, laakiin hadday dawladda Kuite doonayso inay Badhan horumarin ka samayso oo ay lacag ku bixiso dee dawlad baynu nahay ee ha soo mariso Somaliland oo dawladda Somaliland heshiis halla gasho. Laakiin, annagu ma rabno wax waddo qaloocan la soo mariyey hadday intay doonto badan tahay baahidii la doono halloo qabee.”

“Sidaa daraaddeed, ma qaadanayno, nagumana qancin karto Puntland Lacag baannu idiin soo qaadnay, dawladda Kuite iyo ta Maraykan toona kama oggolaanayno Puntland baannu Lacag idiins oo marinnay. Markaa, Wasiirka Maaliyadda Puntland waxaan leeyahay yaanay iskaga kaa qaldamin Puntland iyo Somaliland, Puntland ayaad Wasiir u tahay ee Somaliland Wasiir uma tihide.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aannu isku daynay inaannu dhinaceeda wax ka weydiinno waxay Wasaarad ahaan kala socdaan Jaamacadda ay Puntland sheegtay inay ka hirgelinayso Badhan ee ay heshiiska dhismeheeda shalay ku saxeexeen Dubia, ayaanay noo suuragelin inaannu dhinaceeda wax war ah ka helno, ka dib markii ay naga qaban wayday Taleefankeeda gacanta oo aannu in ka badan toban jeer ka wacnay xalay. Sidoo kale, waxa aanu isku-daynay inaanu arrintan wax ka weydiinno Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, haseyeeshee isagana nooma suurto-galin inaanu helno, telefonkiisa gacanta oo xidhnaa awgeed.

XIGASHO: HIMILO