Maalmuhu Run Badanaa – W/Q: Cilmi Maxamed

Taariikhdu waxay qortaa waayo hore wixii dhacay, sida ay u dhaceen sababtii keentay dhicitaanka, iyo weliba markii danbe sida xaaladaasi looga baxay ama loo daweeyay, taasi oo loo yaqaan waayo aragnimada laga dhaxlo waayaha nolosha.

Somalidu maaha dad qora taariikhda waxa keliya ee ay wax isugu gudbiyaan waa sheeko, gabay iwm. (Oral society).

Tani waxay keenyasa inaan wax badan la rumysan mar hadaan qoraal rasmi ah oo la raacaya jirin , oo la qoray wakhtiga ay arrimahni dhaceyeen am aka danbeeyay ilo kala duwana laga hesuudilay. Qoraalku wuxu keena in qoraagu uu inta badan iska ilaaliyo wararka aan salka iyo raadka toona lahayn, tani oo sheekada ku badan.

Maalmihii ololaha Kulmiye lagu jiray  qaar ka mid ah dadweynah Berbera ayaa ku doodi jiray ina haddii Kulmiye la doorto ay rabaan inay magalaada Berber ka dhigtaan deegaan. Taasi dad badan ayaa arinkaasi ka soo horjeeday , waxayna odhan jireen maanta dunidu ma joogto wakghtigaii deegaanada lakla qabsan jiray Somaliland maanta Kulmiye ayaa dan u ah.

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii taageersana kulmiye , waxaan u haystay arrimahn dacaayad ay inta Udub taageertaa samaynayaan.

Maanta oo la soo gaadhay xaqiiqdii aan eegno arrimihii uu wakhtigu qarniyay maalmahaasi ee lagu murmaayay. Iyo sida sheekooyinku ay mararka qaarkood run u noqdaan.

Tan iyo intii kulmiye qabsaday Berbera isbedelada saadaasha waafqay ee dhacay:

–          Maxjar cusub oo la siiyay Indhodeero

–          Wershadda sibidhka oo la siiyay Dahabshiil.

–          Xogahayaha dawladda Hoose.

–          Negfishi  Oo La Siiyay In Faarax Xarbi.

–          Ku xigeenka Duqa Berbera oo suurtageli waayay.

–          Ku xigeenka Mareeyaha Dekedda.

Isuduwayaasha, agaasimayaasha iyo shaqaalaha hoose iyagu tiro laguma soo koobi karo.

Markaynu arrimahan eegno waxaynu odhan karaa maamulmuhu run badanaa.