MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED (SCW): Daraasad Koobaysa Qorshe-HawleedkiiNebiga ee Maalinlaha ahaa

Dib ugu noqoshada masaajidka

Marka uu nabigu SCW uu soo jaangooyo booqashada xaasaskiisa, waxuu dib ugu noqon jiray masaajidka. Marka ugu horaysa ee uu galo, laba rakcadood oo gaagaaban ayuu ku tukan jiray meel u dhow tiir ka mid tiirarka masaajidka oo la odhan jiray Tiirka Muhaajiriinta kaas oo ku dhex yaalay badhtanka goobta barakaysan ee Rowdada. Inta badan nabigu SCW goobtaas ayuu ku tukan jiray salaadaha sunaha ah.

Rowdada ayuu fadhiisan jiray isagoo dhabarka ku haya qolka Caasha oo ku dheganaa masaajidka. Halkaas ayay ku soo ururi jireen asxaabtu, waana kulan iska caadi joogto ah oo qof kasta oo raba inuu wax waydiiyo nabiga ama wax ka ogaado diintiisa ama u socda nabigu ugu iman jiray. Kulankaasi marba si ayuu ahaa dhinaca tirada asxaabta waxaanay ku xidhnayd xaalada.  Marka ay yihiin tiro yar, waxay samayn jireen wareeg kooban oo nabiga SCW ku wareegsan, hadii ay asxaabtu badan yihiina waxay  u fadhiisan jireen laba saf oo midna midigta ka maro midna bidixda si qof kasta oo  qariiba ama cusub oo u socda nabiga SCW  ama qof su,aal u hayaa uu u fadhiisan karo agtiisa.

Marka uu Nabigu SCW la fadhiyo asxaabtiisa waxuu ahaa mid hadalkiisu xikmad ku dheehan tahay,korna aan codkiisu u dheerayn ahayna mid hooseeya. Waxay ahaayeen weedhaha uu isticmaali jiray qaar kooban oo qofkastaa fahmi karo, sababtaas awgeedna, qof kastaa wuu jeclaysanayay inuu dhagaysto marka uu hadlayo.Caasha Bintu Abubakar (ARHA) ayaa tidhi: Rasuulka ilaahay uma hadli jirin si hadal badnaan ah sida idinku aad u hadashaan. Waxuu u hadli jiray si cad oo qof kasta oo dhagaysanayaa uu xafdiyi karo weedhaha uu ku hadlay.

Inta badan waxuu nabigu SCW dooran jiray aaraah is waydaarsiga, isagoo ku bilaabi jiray su’aal. Su’aasha marka uu waydiiyo waxa xikmadeedu ahayd in uu xiiso galiyo asxaabtiisa si ay u helaan jawaabta. Sida mar uu yidhi: ma idiin sheegaa midka danbiyada waaweyn ugu xun?  Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg. Waxuu yidhi: in Ilaahay lala wadaaajiyo cid kale jiritaankiisa, in aan loo samo falin waalidka iyo dhaarta beenta ah.Tusaale kale; waxuu ahaa mar uu waydiiyay: ma taqaaniin qofka faraha madhan ee musalafay?  Waxay yidhaahdeen waa qofku marka aanu haysan lacag ama hanti. Waxuu yidhi qofka faraha madhan bulshadayda waa qofka  maalinta qiyaamaha la imanaya camal badan oo fiican sida salaad, sako,  soon,  sadaqad,  laakiin intuu noolaa aduunkii  waxa uu sameeyay danbiyo kan ayuu caayay,  mid kale oo uu ceebeeyay,  si sharci daro oo wax kaga qaaday qof, qof uu dhaawacay, mid kale oo uu dilay.qof kasta oo cidii uu waxyeelay ka mid ah waxa la siinayaa qayb ka mid ah ajrigiisii. Hadii camalkiisa fiicnaa/ajrigiisu dhamaado inta aanu wada bixin waxii uu gaystay waxa la soo qaadayaa danbiyada dadka uu wax u gaystay, oo isaga loo diiwaan galiyaa sidaas ayaanu naarta ku galayaa.

Maalin kale nabigu SCW, waxuu asxaabtiisa waydiiyay:  waxaad ii sheegtaan geedka u dhigma sifaha muslimka. Ma soo daadiyo caleentiisa, waxaanu bixiyaa midho xilli kasta. Waxay asxaabtiisii sheegeen noocyo badan oo dhir ah, laakiin markasta oo ay geed magacii sheegaanba waxuu nabigu SCW ku lahaa ma aha midkaas.Cabdulaahi ibnu Cumar oo markaas ugu yaraa tobanka asxaabi ee la joogay ayaa inkasta oo uu garanayay inuu geedka timirta ah yahay, waxuu eegay dadka nabiga la joogay ee su’aasha la waydiiyay oo ay ku jireen Abu-bakar iyo isaga aabihii Cumar ibnu khadaab,sababtaas ayuu uga xishooday oo isaga aamusay. Markaas ayaa nabigu sheegay in uu yahay geedka timirta.

Waxuu nabigu SCW ku celin jiray sadex jeer markii arin sheegayo, si uu u hubiyo in siday tahay loo fahmay ama uu adkeeyo ahmiyada iyo faa’iidada waxa uu sheegay. Tusaale;markuu ka hadlayay denbiyada waaweyn waxuu ku daray beenta loo badheedho iyo dhaarta waanu ku celceliyay ilaa dadku jeclaystay inuu joojiyo, iyadoo u dareen qaba khatarta arintaas ay leedahay.

Mararka qaarkood nabigu SCW waxuu si kedis ah su’aal u waydiin jiray asxaabtiisa tusaale ahaan; mar ayuu waydiiyay: midkiinee maanta sooman?  Dhamaantood umay diyaar garoowin su’aashaas maadaama aanay soomanayn. Hadiiba ay ogaan lahaayeen in nebiga Allah uu waydiin doono su’aashaas dhamaan way soomi lahaayeen. Markaa dhamaantood way aamuseen abubakar oo kaliya ayaa yidhi: aniga ayaa sooman rasuulkii ilaahayow. Rasuulku waxuu mar kale waydiiyay: midkiinee maanta soo booqday qof xanuunsanaya? Mar kale ayay dhamaan wada aamuseen oo sidoo kale abubakar ayaa yidhi: anigaa maanta qof xanuunsanaya soo booqday. Rasuulku su’aal kale ayuu hadana ku waydiiyay asxaabta:  midkiinee maanta raacay jinaasad/ mayd qof dhintay? Dhamaantood way ka aamuseen, Abu bakar ayaa yidhi anigaa raacay maanta qof dhintay aaskiisa. Markaas ayuu waydiiyay; midkiinee sadaqad la baxay manta, si la mida ayay uga aamuseen Abubakar mooyee Dabadeed nabiga ayaa yidhi: hadii mid idinka mid ahi afartaa shay oo sameeyo maalin kaliya dhexdeed, waxa hubaal ah inuu janada galayo.

Nabi Muxamed SCW,mararna waxuu hadalkiisa ku kabi jiray tusaalayaal si macnaha looga bogto. Mar waxuu sawiray goobo dhexda ay kaga taal layn dheer o toosan oo dhinacyada gaadhsiisan. Markaas ayuu laynkana ka sii jeexay layman yaryar oo dhinacyada kaga yaal.  Markaas ayuu waydiiyay asxaabtiisa isaga oo leh: ma taqaanaanwaxa sawirkani yahay? Waxay ugu jawaabeen Allaah iyo rasuulkiisa ayaa og. Waxuu ugu jawaabay: laynka dhexe ee toosani waa qofka biniaadamka ah. laymanka gaagaaban ee dhinacyada kaga yaalaana waa xaaladaha adag ee ku gadaaman qofka. Waxaanay kaga imanayaan dhinacyada oo dhan,hadii mid uu ka gudbo mida kale ayaa heleelaysa. Goobaduna waa dhamaadka noloshiisa taas oo qabanaysa marka ugu danbaysa. Laynkan ka danbeeya goobada waa rajadiisa. Waxaanu rajaynayaa waxyaalo ka baxsan noloshiisa kuwaas oo geeridu uga soo horaynayso.

Halkaasna waxaynu ka arki karaa xikmada iyo aqoonta durugsan ee nabiga SCW Allaah siiyay ee isugu jirta waxbaris, toosin iyo badbaadin dadka uu uga digayo cadaab daran. Nabigu SCW kaliya tilmaamo muu bixin jirin ee sidoo kale waxuu ku dari jiray wada sheekaysi si qofka uu wax u sheegayaa uu uga qayb qaato habka wax barista. Runtii habka waxbarista nabigu waxuu ahaa qaab hodan ku ah erey bixinta sidoo kalena ay ka muuqato aqoon dheeraad ah oo suurta galinaysay in qofka wax ka baranayaa aanu ku daalin sidoo kalena fahamkiisa kor u qaadaysay.

Waxa hababkaas wax barista qayb wayn ka ahaa salaada iyo ducooyin uu markasta nabigu SCW dembi dhaaf rabigiis kaga baryayo. Waxaanay taasi dareen wayn siin jirtay asxaabtiisa iyagoo ogsoon in nabigu SCW mar kasta cadaynayay fulinta amarka Allaah iyo dalabka dembi dhaafkiisa isagoo ku muujinaya tasbiix, taxmiid iyo tahliil iyo weliba duco ahaan.

Waxay asxaabtu ka tirin jireen ilaa 100 jeer/mar ee uu yidhaa Alahayow ii dembi dhaaf (Astiqfurulaah) ama duco u dhiganta.

Caruur yaryar ayaa marar loo keeni jiray isagoo xiligaas ku dhex jira shaqadii subaxa ee masaajidka dhexdiisa. Markaas ayuu u ducayn jiray, isaga oo soo qaadaya timir uu afka ku calaaliyo oo inta uu jilciyo markaas ayuu dhanxanaga ama ciridka ugu dhejin jiray si ay u dheecaamiyaan. Waxaanu caruurta dhalatay ee loo keeno u bixin jiray magac una ducayn jiray.

Hal arin ayaan tusaale u soo qaadanaynaa oo ka mid ah midka kor aan kaga hadalay. Abu Usayd Maalik Ibn Rabiicah Al Saciidi ayaa nabiga u keenay ilmo u dhashay oo wiil ah, Al-Mundir, nebigu SCW, waxuu dhigay ilmihii agtiisa isagoo aabihiina ag fadhiya. Markaa nabiga waxuu mashquul ku ahaa arin uu sugayay. Abu Usayd ayaa tilmaam bixiyay markaas ayaa qof qaraabadiisa ka mid ah ilmihii qaaday kuna celiyay gurigii. Nebiga ayaa soo jeestay isagoo leh mee ilmihii? Abu Usayd ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow gurigii ayaan u diray. Nabigu waxuu waydiiyay magaciisa ii sheeg?  Aabihii ayaa magac sheegay, markaas ayaa naebigu ka diiday isaga oo leh ha ugu yeedhin kaas ee waxaad ugu yeedhaa Al-Mundir. Sidaas ayaa Abu Usayd ugu magac bixiyay wiilkiisii Al-Mundir.

Nabiga waxa marar loo keeni jiray timirta ugu horaysa ee bislaata xilliga gurashada, timirtuna waxay ahayd midhaha ugu mudan ee khudrad ahaan dadka Madiina ay isticmaalaan. Waxaanay ahaayeen qaar farxad iyo raynrayn muujiya xiliga midhaha timirtu u bislaato gurasho. Markaas ayay nebiga u keeni jireen. Markuu wax ka qaato ayuu odhan jiray ducadan: “Allahayow noo barakee midhahayaga oo barako gali kuwa magaaladayada; allahayow noo barakee mid yar iyo badanba. Allahayow Ibraahim waxuu ahaa adoonkaagii, saaxiibkaa iyo nabigaagii. Aniguna waxaan ahayn adoonkaagii iyo nabigaagii. Waxuu kuugu tukaday Makka aniguna waxaan kuugu tukanayaa Madiina si la mid ah sida uu kuugu tukaday Makkah iyo labanlaabkeed. Markaas ayuu u yeedhi jiray ilmaha ugu yare ee goobta jooga oo timirtii uu gacanta ku hayay siin jiray.

Mararna waxa kaftan farxad ay ku ladhan tahay dhex mari jiray asxaabta iyo Nabiga SCW. Ma ahayn Nabigu SCW mid waji kakan, mana ahayn mid dhibsada sheekada iyo su’aasha aqoon korodhsiga ah ee mid ka mid ah asxaabtiisu waydiiyo. Maalin ayaa isaga oo nabigu dhex fadhiya asxaabtiisa oo la hadlaya waxa la joogay nin reer miyi ah (badwi). Nabiga ayaa yidhi nin raga ehelka jannada ka mid ah ayaa Ilaahay subxaanuhuye waydiisanaya inuu wax beerto. Ilaahay ayaa waydiinaya: Miyaan lagugu siin janada dhexdeeda wax kasta oo aad jeclayd? Ninkii ayaa odhanaya: Haa Rabigayow waad i siisay, laakiin waxaan jecelahay wax beerista.  Markaas ayuu siidhkii ku tuuray ciida oo beertay, isha bidhiqdeeda ayaa geedkii ku baxay oo dheeraaday oo midho badan soo saaray, midhahaas oo gurashana u bislaaday. Dhirtuna waxay leegtay sida buuraha oo kale janada. Ilaahay ayaa adoonkiisii ku yidhi: waa kaas waxaad i waydiisatay Ina- Aadamow. Ma jiro wax ku raali galinayaa. Markii uu nabigii dhameeyay hadalkii, ayaa ninkii badwiga ahaa yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay ayaan ku dhaartee qofka sidaa odhanayaa waa Quraysh ama Ansaar. Iyagaa jecel wax beerista. Anagu hadii aanu nahay badwida, waxba kuma falo beeraha. Qof kastoo markaas goobta fadhiyay oo uu ku jiro Nabigu ayaa qosol la jeestay.

 

Waxay u muuqatay in kulankaasi ahaa kulamada martida cusubi la joogto nabiga SCW.  Dadka safarka ahi had iyo jeer habeenkii magaalada may soo gali jirin ee duleedkeeda ayay u hoyan jireen si ay subaxa hore u soo galaan, xiligaas oo ah xiliga nabigu kulamadiisu socdaan. Safaradaa waxa ka mid ahaa mid uga yimi reer Mudar. Waxa nabiga SCW ay u soo galeen goor duhur ah markaas ayaa nabigu arkay dacdarada iyo diifta ka muuqata. Markaas ayuu wajigiisu is badalay markuu xaalkoodii arkay. Markii uu salaadii duhur tujiyay ayuu dadkii la hadlay isagoo waydiistay in ay deeq u soo ururiyaan martida. Markiiba waxa loo keenay laba shay oo ay ka buuxaan maryo iyo cunto si uu martida u siiyo.

Wafti kale ayaa nabiga u yimi oo ka yimi reer Abdi al-Qays, kuwaas oo ka yimi Al –Hassa oo ah barriga Careebiya. Nabigu wuu soo dhoweeyay, isaga oo leh: soo dhowaada ma noqonaysaan qaar la fogeeyo mana murugoon doontaan.

Inta badana waxay kulamadaas nabiga iyo asxaabtu ahaayeen kuwa uu marar badan ka soo qayb galay Malakul Jibriil, isagoo nabiga ugu yimi muuqaal nin isaga oo maryo cad, timihiisuna madow yihiin oo aanay haba yaraatee ka muuqan calaamad qof socoto ah. markaas ayuu nabiga wax ka waydiiyay Islaamka, Iimaanka, Ixsaanka iyo goorta qiyaamuhu dhacayo iyo calaamadaha lagu garanayo.