MA WAX TARBAA MISE WAA WAXYEELO Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe

 

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

Qormadii 7aad

Saddex Laab Bad Iyo Webi
Lagu Yidhi Sabbeeyee

Dabadeed La Sahanshay
Qofba Meel La Siiyee
Saldhigeedu Qaybaha
Cidi Uma Sinnaynoo
Dadku Ruux Sabooloo
Saranseer Ku Raagiyo
Guryo Samu Nin Yaalloo
Sidka Dhalay Ku Haystoo
Helay Seer-Ma-Weydiyo
Laba Kala Sad Roon Baa
Subax Noolba Joogee

Markii la keenay Idaacadda Cusub, oo runtii isbeddel weyn ku keentay hawl-qabadka mashiinnada sababo la xidhiidha baaxadda dabka ay qaadanayso, waxa soo ifbaxay muranno iyo kala-shaki ka dhex abuurmay masuuliyiinta warfaafinta iyo farsama-yaqaannada oo ka dhashay baahi dheeraad ah oo ku timi xaddiga shidaal ee mishiinnada dabka dhaliyaa u baahan yihiin, waxaana dhacday inay dhowr jeer shidaal la’aan u bakhtiyaan Mishiinnadaasi ka dib markii madaxda hay’addaasi ku kacan Saydheen dalab uga yimi shaqaalaha ka hawl-gala qaybta Mishiinnada oo ku wargeliyey in la kordhiyo xaddiga shidaalka dab-dhaliyeyaasha wasaaradda.

image

Arrintani waxa ay sababtay in shaqada laga joojiyo dhowr ka mid ah farsama-yaqaannadii ka hawl-galayey qaybta mishiinnada oo lagu tuhmay inay iyagu ka dambeeyaan isla markaana ay leexsadaan shidaalka loo qoondeeyey mishiinnada, waxaana beddelkooda la hawl-galiyey shakhsiyaad kooban oo Agaasime-waaxeedka Farsamada ee Warfaafintu kalsoonidooda u gudbiyey masuuliyiinta sarsare ee Warfaafinta. Waxaana shaqaalihii shaqada laga joojiyey la ogeysiiyey inay ka war-sugaan natiijada baadhitaanno lagu qiimaynayo arrinta ay cabashada ka muujiyeen.

Haseyeeshee, muddadii baadhitaanka iyo qiimaynta lagu jiray, dhibaatadii jirtay sidaas kuma joogsan, waxaana halkii ka sii socday ciladihii iyo hakadkii ku imanayay baahinta Idaacadda iyo hawl-qabadkii mishiinnada Dabka.

Iyada oo ilaa maanta Arrintaasi u taagan yahay farsamo xumo iyo masuuliyiinta wasaaraddaas oo ka caga-jiidaya kharashka shidaal dheeri ah oo loo isticmaalo mishiinnada dabka dhaliya, waxa ay arrintani saamaysay isla markaana shaqadoodii ku waayey xubno ka mid ah farsamayaqaannadii hawshooda shaqo hakadka la galiyey, iyada oo qaarkoodna lagu soo celiyey shaqadii ka dib markii la tixraacay iyaga lagu soo caliyey shaqada oo agaasimaa farsamadu hab qabiil kusoo celiyey halka ay labana ilaa hada aan la soo celin.

Ahaan mayso dundan

Sidaad aad moodeenoo

Shaqaaluuna murugo iyo

Ciil ku idleysan maayaane

Waxa iman ayaantey

Eebe ay ka sugayeen

image

Tan iyo markii xukuumada siilaanyo ay talada dalka la wareegtay ayaa waxay noqotay wasaarada warfaafintu tan ugu hadal haynta badan bulshada dhexdeeda iyada oo mar marka qaar la maqlo in khilaaf ka dhex oogmo masuuliyiinta iyo shaqaalahooda, hadaba waxaa dhacdey in qaar ka mid ah warbaahinta dalku qorayeen in khilaaf cakirani soo kala dehx galay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha taasi oo keentay inay masuuliyiinta qaarkood iyo shaqaaluhu is bahaystaan arintaasi oo keentay inay masuuliyiintu qaar ka mid ah shaqaalaha ay u ogalaadaan inay wasaarada ku dhex haystaa hub taasi oo ah meel ka dhac hanaanka dawladnimo, waayo arimahaasi waxay sabab u noqdeen inay shaqaalaha wasaaradu xiligan la joogo ay kala shakiyaan oo qaarba dhan u shiraan halka qaar kale xafiisyada masuuliyiinta ay iska fadhiyaan dhamaan toodna ay yihiin dad lagu qorey hab qabiil iyo xigto nimo waana ta manta wasaarada ku cusub cudurkaasina ma baxayo ilaa labadalo maa mulka sare ee xumaanta ka dhex abuurey hadii aan laga qaban wax waxaa dhicikarta in wax yaalo aan la filayn iyo wax yaabo hadhow laga qeylyi doonaa iman doonaan.

Waxaan kaga tagyaa baaqan oo aan Xukuumada kula talinlahaa inay soo gaadhaan shaqaalahan dulman hadii maalin ayaa iman doonta talo far aka haado. Gunaanadka qormooyinkaygana waxaan kusoo gaba gabeeyey

Ma na dhawa oo maan dhameystirin dhibaatooyinka ka socda wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta ee jamuuriya Somaliland balse waxaan inta kale ku soo qaadan doonaa qormooyin kale oo soo socda aan waxyaabo badan iyo mustuqbalka Somaliland kaga sheekeyndoono iyo dhibaatooyinka horta le ee soo food saarey dadka reer Somaliland kuwaas oo aan marnaba aanan ka aamusayn.

Hanfi iyo dabaylbaan

Dhex hadaafayaayoo

Howl aan dhamaanbaan

Kadhex heesayaayoo

Hiil waxaan ka doonaa

Hooflahaa libaaxiyo

Gidi habar dugaagoo

Hami iyo walaacbaa

Hurdadii idhaafshee

Halkaad iga xigtaanbay Dhaxantu iga haysaa tolaay bahdii saxafiyiintaay.

DHAMAAD

GUUL ALLE………………