“Ma Rabo Inaan Xil Ka Qabto Somaliland” Cali Khaliif Galaydh

(SL.Post) Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inay ka baxayaan wadahadalka ay kula jiraan  Xukuumadda Somaliland, haddii aanay joojin fara-gelin iyo kala qaybin uu sheegay inay ka dhex-wadaan shacabka Khaatumo.

cali-khaliif

Prof.  Galeydh, waxa kale oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin warar sheegaya inuu Xil ka qabanayo Xukuumadda Somaliland.

“Anigu ma doonayo inaan maamulkaas ku biro, ma rabo inaan xil ka Qabto, balse waxaan ka digayaa fara-gelinta ay kuhayaan siyaasaddeena iyo dadka maamulka Khaatumo ku Ab-tirsada oo ay kala qaybinayaan.” ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay inuu iska diiday inuu ka qayb-galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qaybinayo dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maamulkiisa ku Ab-tidsada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Geesta kale kale hadalkan Prof. Galeydh ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay isku afgarteen inay wada-hadalaan Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaana lagu wada inuu dhawaan si rasmi ah u furmo wada-hadalka labadan dhinac.

 

Somalilandpost.net