Mudane Madaxweyne mala socotaa jahawareerka siyaasadeed iyo abaabulada qabiilaysan ee mucaarad iyo raaciyad ba leh una jihaystay inay burbur kii aan kasoo kaban la’nahay 30ka sano oo kale ay ka ridaan dalkan curdinka ah.
Mudane Madaxweyne ma ka war heshey shaqaaqooyinkii dhimashada, dhaawaca, xadhiga iyo jidhdilkuba uu ka dhashay ee gobolada dalka ka dhacay xalse ma uraadisay.
Mudane Madaxweyne Ma Ogtahay in ay fooda inagusoo hayso maalinkii laguu doortay madaxweyne nimada somaliland heshiiskuna uu ahaa inaad maalinkeeda banayso ama lagusoo doorto.
Mudane Madaxweyne , Ma ogtahay mase laguu sheegay in Magaalada Hargaysa iyo Dhammaanba Dhulkeeni kumannaan Caruur ah iyo Waalidiintoodii ay baahi lajiifaan ilmaduna ka hibitiqayso?
Mase Ogtahay Mudane Madaxweyne Xataa in La,la’yahay cid u qaylo dhaamisa, sababtuna ay tahay NGO yadii magaca masaakiinta ku Shaqaysan jirey oo haatan helay magacyo kale oo lagu qaraabto.
Intaa kuma Eka’e Mudane Madaxweyne ma maqashay in kuwii magaca bulshada rayidka ku hadli jirey in iyana markey siyaasiyiin noqdeen ama ganacsato ay iska aamuseen qaar kalana ay cabsi iyo wel-wel la argagaxsan yihiin.
Mudane Madaxweyne, Ma lasocotaa Sicir bararka ka jira Gebi ahaanba Dalkeena Somaliland Gaar ahaan Magaalada Hargaysa oo miskiin koriso ahaan jirtey in Hargaysa iyo Meelo badan oo kaleba ka dhigay Miskiin Caydhiso?
Ma Ogtahay Madaxweyne in Waqti Xaadirkan Hargaysa lagu Tilmaamo in ay ka mid noqotay Magaalooyinka Afrika ugu Qaalisan Xaga Nolosha waxaasoo dhamina ay dhaceen mudadii xilhayntaada.
Ustaad Muuse’ Mudane Madaxweyne, Ma ogtahay in Magaalada Hargaysa uu ka socdo boob laboobayo dhulkii dowladdu lahayd oo ay boobayaan Ganacsato iyo Mas’uuliyiin aad adigu wareegto ku magacowday?
Mudane Madaxweyne, maqiyaasi kartaa baaxadda uu gaadhsiisan yahay argagaxa, Cabsida, Xorriyad la’aanta iyo Caddaalad darrida ka jirta Hargaysa oo Xadhig Sharci Daro ah iyo Mandheera layskugu hanjabo gaar ahaan madaxdu ay shacabka iyo dadka danyarta ah ugu hanjabaan kolka hawli dhexmarto Waa Caasimadda Somaliland’e?
Hadaba Mudane Ma Ku Xisaabtantay in Dhibbane kasta adiga uu ku soo eegayo Masuuliyadina kaa saaran tahay,?
Maxaa yeelay Amaanadii Cirka iyo Dhulku Diideen Ayaad Doontay Tar-Tan ugashay una Dhaaratay Kolkii Eebe kugu SImay, Mudane Madaxweyne Iminkaba Yaqiinso oo Ogow Xisaabteeda adduun iyo Aakhiraba in ay adiga kuu Taalo.
FG:- Mudane Dhibbane Xilside Anigu Fariinta Keliya ee aan kufarayaa Waa ku Dhaqanka Shareecada Islaamka iyo isku Xukminteeda, ilaalinta Cadaaladda iyo Fulinta Garsoor Xaqa, Saraynta Sharciga, Waa in Qof walba Adigana ku Dhahe Sharcigu Ka Sareeyo, iyo Inaad Dhex ka Ahaato Muranka Siyaasadeed ee Golayaasha Dowladda Mararka Qaar ka Dhex kaca oo Aadan Garabsiinin Kooxda kuu Dhow ama Dano Siyaasadeed oo Gaari kaala Dhexeeyaan , Mudane Waa Inaad Sharciga Latiigsataa Cidkasta oo Burinaysa ama ka Hor Imaanaysa Shuruucda iyo Dastuurka Dalka u yaala, Adoo ku Daraya Fayjignaan,Fiiro Dheer iyo Dadaal…
Mudane Madaxweyne Allah (-SW-) Waxaan Kaaga Baryayaa in uu kuu Fududeeyo Gudashada Ammaanada Culus ee aad Sido iyo Dhammaanba Waajibaadka Ku Saaranba.
Qalinkii Eng, Mohamoud Salleban Eidle
Laascaanood, Somaliland